Skip to main content

Qabow Darran Oo Maalmihii U Danbeeyay Ka Dhacaya Magaalada Boorama Iyo Suuqyada Lagu Iibiyo Dharka Mar La Soo Isticmaalay Ee Loo Yaqaano “Huuga” Oo Xaamiya +SAWIRRO


Boorama-(BAKINES) Waxaa maalmihii u danbeeyay magaalada Boorama ka dhacayay qabow aad u daran taas oo  hadaba waxay maanta  kamarada BAKINEWS ay booqtay suuqa lagu iibiyo dharka laga xidho dhaxanta ee loo yaqaano koodhasha ama Jacketka.

Suuqan oo ka mid ah suuqyada maalmaha khamiista oo qudha camiran ayaa waxaa lagu iibiyaa ama uu gaar u yahay dharka loo yaqaano huudhaydhka ee mar la soo isticmaalay waxaana ay dharka cusub kaga duwan yihiin qiimaha la siinayo oo ah kuwo raqiis ah oo ay dadka danyarta iyo dadka caadiga ahiba ay iibsan karaan waxaana mararka qaarkood laga helaa dhar runtii tayadoodu ay aad usarayso waxaana Soomaalidu ku maahmaahdaa nimaan huudhaydh haysan ayay dhaxani haysaa.
Hadaba suuqan ayaa maalmihii hore ka duwanaa iibikiisu waxaana ay dadwaynuhu si wayn uu u iibsanayeen jaakeetyadan dhaxanta laga xidhanayo kuwaas oo ay sheegeen in ay maalmihii u danbeeyay ay dhaxan xoogihi jirttay sidaas aawadeedna aysan u sii adkaysan karin in ay bilaa koodhadh dhaxantaas sii xamilaan.
Si kastaba ha ahaatee waxaa sarakac xoogani ku yimid qiimaha la kala siisto jaakeetyada dhaxanta iyada oo ay horey wax ka yar ahayeen Shan Dollar ayaa haatan waxaa la kala siisanaya 8 Dollar iyo wax ka badan taasina waxa ay ku timid baahida degdega ah ee loo qabo.”

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.