Skip to main content

WARIYE CALI XAJAR OO AFAR ASKARI KU DHEX JIDH DILEEN BADHTAMAHA MAGAALADA LOWYACADO (DAAWO)

Nuux kadiye ------Wariye Cali xajar oo ka mid ah wariyayaasha ka hawlgala Gobolka Salal, ayaa afar askari oo amar ka ahaysta gudoomiyaha Gobolka Salal,Cabdilaahi Quljeed ku jir dileen badhatamaha magaalada Lowyacado.
Waxaa labadii cisho ee u danbaysay ka taagnaa magaalada Lowyacado jaahwareer xaga socdaalka, iyada oo lagu kordhiyey socdaalayaasha in ay bixiyaan canshuur dheeraad ah oo lagu kordhiyey, kana mid ah mashaariic bara kicineed iyo dagaamayn shaqaale laga soo daabulo degmada Burco oo xukuumada Siilaanyo ka waddo gobolka Salal, iyada oo xukumadana ka go'an tahay in aan warbaahintu gudbin dhacdooyinkaa.Wariye Cali Xajay oo hawshiisii shaqo ku guda jira, ayaa goob jooge HeemaalNews u xaqiijiyey, in afar nin afar nin oo ka soo dagay gaadhiga gudoomiyaha Gobolka Salal, si toosa u beegsadeen wariye cali, iyaga oo soo garab maray labbo wariye oo kale oo ayaguna goobta ku sugnaa.Mid ka mid ah affarta askari, ayaa laacay, kamaradii uu sitay wariye Cali, wariye cali oo diiday in kamaradu gacantiisa ka baxdo, ayaa mid ka mid ah askartii qori uu sitay dabadiisa ku dhuftay kamaradii, falkaas oo sobobay in ay kamaradii kala jabto, wariyuhuna gacanta ka dhaawcmo.Kadib waxay bilaabaan afarti askari, in ay ku dhex garaacaan wariyaha halkii uu taagnaa oo ahayd badhtamaha degmada Lowyacado, iyagoo markii danbana ku xidhay saldhiga booliska dagmadaas.Caaqil ku sugan degmada Loyacado oo isku dayeye in uu arinkan wax ka waydiiyo taliyaha booliska degmada Lowyacado, ayuu taliyuhu u sheegay in amarka lagu xidhay uu bixiyey Gudoomiyaha Gobolku, isagana laga xidhiidho, dadaal badan kadibna ay caaqilka u suurta gashay in lix iyo toban saac kadib xoriyadiisii u soo cesho wariye Cali iyada oo aan kamaradii wax xal ah laga gaadhin.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.