Skip to main content

Cisbitaalka Hargeysa oo is weydaariyey laba Meyd oo qolka Meydka la keenay iyo muran labadii Reer dhex maray

Hargeysa(Baki news ) Cisbitaalka Hargeysa ayaa isku qalday laba Meyd oo carruur ahaa oo u ku soo dhintay shilal baabuur kuwaasoo midkood ahaa Arday yar oo iskuul ku socday oo uu bas jiidhay, halka ka kale aan illaa hadda la garanayn cidii dishay.

asakraMaamulka Cisbitaalka ayaa siiyey qoyskii uu ka soo jeeday ka yar ee ardayga ahaa ee la garanayey Baskii jiidhay  Maydka kii kale ee aan la garanayn, waxaanay Aasteen Meydkii kaa yar halka koodii uu maalintii afraad yaalay Qolka Meydka.
Qoyskii Meydka la aasay lahaa ayaa xalay ka war helay in Meydka qoyska kale aasteen ahaa koodii waxaanay xalay dacwad ka dhan ah qoyskaas u gudbiyeen Booliiska kuwaas oo xalay xabsiga ku guray qoyskii Meydkoodu yaalay qolka Meydka.
Boqolaal qof ayaa saaka ku soo ururay qoyska la xidh xidhay gurigooda waxaanay isweydiinayeen sababta qoys ilmahooda Meydkiisii Maamulka Cisbitaalku u bedelay iyagii loo xidh xidhayo, iyagoo ku tilmaamayey maamul xumo dhinaca Xukuumadda ah oo aan laga fiirsan, waxaanay ku tiraabayeen in ay ahayd in maamulka Cisbitaalka loo ciqaabo arrintan, halka qoyska wali geeriyeysan ee Ilmahooda Meydkiisii ay moodayeen in ay aasteen uu wali qolka Meydka yaalo.
Wariye ka tirsan Waaheen oo saaka booqday Cisbitaalka Guud ee Hargeysa si uu maamulka Cisbitaalka wax uga weydiiyo dhacdadan ayaa la kulmay Agaasimaha Cisbitaalka hargeysa Dr: Askar hase yeeshee wuu diiday in uu jawaab ka bixiyo sababta ay maamul cisbitaal ahaan isugu qaldeen labada Meyd.
Dhawaanw axa Cisbitaalka Hargeysa ka dhacday in Kal-kaaliso Caafimaad ay Irbad aanay ka fiirsan ku muddo Ilmo yar oo caafimaadkiisu wanaagsanaa kaasoo isla markiiba bartii ku qudh-baxay, waxaanay Qoyskii ilmuhu ka dhintay xabsiga u taxaabeen kal-kaalisadii iyo Inankii hayey Farmasiiga Cisbitaalka oo ay ku eedaysay inuu isagu u soo dhiibay, wallow ay markii danbe saamaxeen qoyskii Ilmaha yari ka dhintay.
Si kasta ha ahaatee, wararka aaanu ka helayno qisada hore ee labada Meyd ee la isweydaariyey ayaa sheegaya in qoyksii Meydka hore aastay ee la xidh xidhay goor dhaweyd la sii daayey isla markaana ay imika u ambabaxeen sidii ay Meydkooda u aasan lahaayeen, halka Reerkii dhalay Ilmaha Meydkiisa hore loo aasay ee aan la garanayn cid dishay Ilmahooda ay ka haystaan maamulka Cisbitaalka hargeysa.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.