Skip to main content

Booliska Somaliland Oo Markii Ugu Horreysay Yeelanaya Sharciyad Meel-Mar Ah

(Bakinews) Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa markii ugu horreysay yeelanaya Xeer Sharci ah oo ay ku hawlgeli doonaan, isla markaana ay Golayaasha Sharci-dejinta qaarna ansixiyeen, kuwo kalena la filayo inay dhaqso u ansixiyaan, Madaxweynuhuna qalinka ku duugi doono dhaqan-galkiisa.



Xeerkan oo muddo ku dhex-wareegayey Golayaasha Wakiillada, Guurtida iyo Madaxtooyada, ka dib markii ay Golaha Wakiilladu ansixyeen, balse ay Golaha Guurtidu dib ugu celiyeen Wakiillada markii ay wax ka beddel iyo kaabis ku sameeyeen. Waxaanay Mudanayaasha Golaha Wakiilladu shalay ansixiyeen wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerkaa lagu sameeyey.





Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland ee shalay, ayaa Mudanayaashu ku ansixiyeen wax-ka-beddalka iyo kaabista Xeerka Booliska Somaliland, kaasoo ka soo noqday Golaha Guurtida oo wax ka beddal ku soo sameeyay.




Fadhigii shalay oo uu Guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa lagu ansixiyey Xeerka Booliska oo ka kooban 50 qodob, waxaana Mudanayaashu ansixiyeen, ka dib markii ay qodob qodob uga doodeen, isla markaana iskula eegeen.




Xeerka waxaa codka gacan-taagga ah u qaaday 45 Xildhibaan oo fadhigaa ka soo xaadiray, may jirin cid diidday iyo cid ka aammustay toona, Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay Xeerkaasi sida uu sheegay Guddoomiyaha Golahaas Md. Cabdiraxmaan-Cirro.




Xeerkan ayaa haddii uu ka gudbo Mudanayaasha Golaha Guurtida oo marka hore dib ugu soo celiyey Golaha Wakiillada, waxa uu u gudbayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo sharciyan awood u leh dhaqangelinta Xeerarka ay ansixiyaan ama meel-mariyaan Golayaasha Sharci-dejinta ee Baarlamaanku. Waxaanu haddii Madaxweynuhu aqbalo oo uu qalinka ku duugo dhaqan-galka Xeerkaasi uu noqonayaa Xeerkii ugu horreeyey ee meel-mar ah ee ay Ciidammada Booliska Somaliland yeeshaan 22-ka sano ee ay Somaliland jirtay.


Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.