Skip to main content

Wafdi U Hogaaminayo Wasiirka Kheyraadka soomaaliya Oo Nabadeeyn U Jooga Beledweyne Oo Soo Saaray Go’aanno


Wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka  Kheyraadka Dalka, oo gobolka Hiiran u joogay xalinta colaad dhexmartay Beelo Walaalo ah oo gobolkaasi wada dega ayaa waxa ay soo saareen qo’aano aas aas u ah xalinta dhibaatada Deegaannadaasi ka taagan
.
Kadib kulamo iyo wada tashiyo qaatay muddo Shan maalmood ah oo wafdiga uu hogaaminayo wasiirka Kheyraadka dalka ay u joogeen gobolka Hiiraan ayaa ugu dambeynti waxa ay soo saareen go’aanno dowladeed oo aas aas u ah dhameystirka colaadaasi.
Wasiirka Kheraadka C/risaaq Cumar Maxad ayaa sheegay iney soo saareen go’aanno dowladeed,  waxaana daba socda ayuu yiri howlaha nabadeynta.
“Go’aannada waxaa ka mid ah In xabbadda la joojo, Maleeshiyaadka laga saaro deegaanka Kabxanley iyo Deefoow, in ciddii lagu helo hub loo aqoonsandoono fidna wade, in dib u dejin loo sameeyo dadkii ku barakacay colaadaasi iyo in dowladu qaadato qasaaraha ka dashay dagaalada sida guryihii la gubay’’. Ayuu yiri wasiirka Kheyraadka.
Wafdiga uu hogaminayo wasiirka kheyraadka ee waan waanta nabadeed u jooga gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka mid ah xildhibaanno, iyo mas’uliyiin kale oo ka tirsan dowlada, waxeyna dadaal balaaran ugu jiraan sidii loo dhameyn lahaa colaad beeleedyo ka dhacay deegaano ka mid ah G/Hiiraan.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.