Skip to main content

Rugta Ganacsiga Somaliland oo Hambalyo iyo Bogaadin u dirtay hogaanka cusub ee Rugta Ganacsiga Jabuuti

Hargeysa (Nuux kadiye) Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somalailanad Maxamed Shugri Jaamac iyo xubnaha Guddida fulinta ayaa soo saaray War-saxaafadeed isugu jira Hambalyo iyo Bogaadin ay u dirayaan Hogaanka cusub ee loo doortay Rugta Ganacsiga Dalka Jabuuti.
rugtaGuddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri oo ay weheliyaan xubnaha Guddida Fulinta oo kala ah:-

1.      Maxamed Shugri Jaamac
2.      Jamaal Caydiid Ibraahim
3.      Dr: Farxaan Liibaan Axmed
4.      C/kariim Maxamed Iid
5.      C/raxmaan Cali Cabdi
6.      Naasir X Cabdi Cawad (Indha-deero)
Waxay War-saxaafadeedkooda ku yidhaahdeen:-
Hambalyo iyo Bogaadin
Guddida fulinta Rugta Ganacsiga Somaliland waxay Hambalyo iyo bogaadin u diraysaa guddoomiyaha cusub ee loo doortay Rugta Ganacsiga Jabuuti Mudane Yuusuf Muuse Dawaale  iyo guud ahaan guddida cusub ee loo doortay Rugta Ganacsiga Jabuuti.
Waxaan illaahay idinka baryaynaa in uu xilka idiin fududeeyo, idinkuna hanuuniyo sida danta dadkiina iyo dalkiinu ku jirto. sidoo kale waxan idiinka rajaynaynaa in xidhiidhka labada Rugood halkuu joogo ka sii wanaagsanaado.
Allaa Mahad Leh
Maxamed Shukri Jaamac
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.