Skip to main content

Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Oo Waxba Kama Jiran Ku Tilmaamay Is Afgaradkii Shirka Dooda Qaran Ee Ay Xisbiyada Qaranku Ku Heshiiyeen In Dooda Qaran Lagu Wareejiyo Akadamiyada Nabada


HargeysaNuux kadiye-Gudoomiyaha  xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo maanta saxaafada kula hadlaayey xafiikiisa ayaa sheegay in aanay xisbiyada mucaaridka ah jirin wax ay ku heshiiyeen oo la xidhiidha shirka dooda qaran ee ay hore saddexda xisbi qaran sheegen in lagu wareejiyey qabashadeeda Akadamiyada Nabada.
gudoomiyaha oo laba cisho ka hor saxeexay isaga oo mataalayey xukumada Somaliland ogolaanshaha dooda qaran ayaa sidan maanta saxaafada u sheegay, waxaanu intaas ku daray inay ku heshiin oo kaliya saddexdan qodob.waxa uu sheegay gudoomiye muuse Biixi in ay saddex qodob oo kali ku heshiiyeen

“qodobka ugu horeeyaa waxa weeye aan wada hadalno oo meel dhex dhexaad inoo ahi shirka hayno qabato, kaasna waan ogolaanay oo meeshi waxa weeye Akadamiyadda.
qodobka labaad waxaanu isla qaadanay arrimaha doorshada oo waxaanu ka doodnay oo aanu isla qaadanay arrinta doorashooyinka iyo qodobka saddexaad oo ah arrimaha siyaasadda dibada, gaar ahaana wada hadaladal Somaliya iyo Somaliland”.
warar ka baxsan hadalka gudoomiye Muuse Biixi oo laga helaayo dhanka madaxtooyada ayaa sheegaya in habeenkii xalay ahaa gacan ka hadal ku dhex mari gaadhay maamulka Kulmiye iyo xubno wasiiro ah, taas oo ka dhalatay heshiiskii Xukumada iyo xisbiyada mucaaridka ee uu dhinaca xukuumadda u matalayey Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Hadalkan Maanta ka soo yeedhay Gudoomiye muuse Biixi ayaa u mucaaridka kula heshiiyeen in lagu wareejiyo Akaadamiyada nabada,isla markaana u muuqda laba codlayn,balse ilaa hada lama oga sababta keentay in  uu ka noqdo is afgaradkii ay sida wada jirka ah u gaadheen.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.