Skip to main content

Xukuumadda oo qaadacday doodii sadexda Xisbi isku raaceen in Akadamiyadda Nabadu qabato Xukuumadda oo qaadacday doodii sadexda Xisbi isku raaceen in Akadamiyadda Nabadu qabato

Hargeysa(Nuux kadiye) warar hordhac ah ayaa sheegaya in Xukuumadda Madaxweyne Axmed latestMaxamed Maxamuud Siilaanyo qaadacday doodii sadexda Xisbi Qaran isku raaceen in ay si dhex ah u qabato Akadamiyadda Nabada iyo Horumarka.

Illaa had si rasmi ah Xukuumaddu ugamay hadal mawqifkeeda ku aadan ka biyo diidista ay ka biyo diiday in Dood Qaran ay Akadamiyaddu qabato, hase yeeshee tibaaxaha ka soo baxaya ee laga helayo xayndaabka Madaxtooyadda ayaa sheegaya in ay diiday Doodaasi.
Ilo wareedyo u dhuun daloola go’aanka Xukuumadda ayaa shabakadanuuxkadiye  u sheegay in ay ka timi kadib markii labada Xisbi mucaarad iyo hogaanka Kulmiye ay ajandihii doodaas ee ay xukuumaddu aqbashay markii ay kulmeen Ergadii dhex dhexaadinta iyo Guddoomiye Cirro in waxyaabo kale oo ay kualnkaasi ku diiday ay warbaahinta ka sheegeen in dooda lagu soo qaado doono kuwaas oo ay ka mid yihiin xaaladda dalka oo ay ku jiraan dhamaan arrimaha Mucaaradku ka cabanayaan.
Ilo wareedyo u dhuun daloola kulankii Cirro, Siilaanyo iyo Saleebaan Gaal ayaa Waaheen u sheegay in Madaxweyne Siilaanyo aqbalay oo kali ah in dooda lagaga hadli doono oo kali ah arrimaha Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta sidii loo qaban qaabin lahaa, hase yeeshee inta kale ee ay warbaahinta ka siidaayeen Mucaaradka iyo Xisbul xaakimka (Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin) ay yihiin waxa sababay in Xukuumaddu ka biyo diido Doodaasi.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.