Skip to main content

Dowlada Soomaaliya oo Shaaca ka qaaday tirada Soomaalida ee ku dhimatay Dagaalada kasocda Dalka South Sudan


Sii hayaha Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo Maanta dib ugu soo laabatay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadashay socdaal ay ku tagtay Dalka Dunida ku cusub ee Koonfurta Sudan oo maalmahan dagaalo kasocdeen.


Fowsiyo ayaa sheegtay in Dagaalada Koonfurta Sudan ka socda ay kudhinteen ilaa labo qof oo Soomaali ah mid kalana uu dhaawac soo gaaray, waxa kale oo ay Wasiiradu sheegtay Soomaali gaareysa ilaa 120- in iyana magan galyo ahaan ugu jiraan Xeryaha Un-ka.

Wasiirada ayaa sheegtay in Soomaalida kunool Koonfurta Sudan ay gaarayaan ilaa 10-kun oo qof oo u badan dad dhaqaale heesta oo ganacsiyo kala duwan ku leh dalkaasi qaarkoodna diyaar u yihiin in diyaarado kireestaan si ay uga baxsadaan colaada soo cusboonaatay.

Fowsiyo Yuusuf ayaa sidoo kale tilmaantay in ay la hadashay Wasiirada Wadamada Xuduudaha la leh Dalka South Sudan kana codsaday in Xuduudaha loo furo Soomaalida dalkaasi ka baxsaday ayna ka aqbaleen.

Hadalka kasoo baxay siihaya Wasiirada Arimaha Dibada Soomaaliya ayaa imaanaya xili Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool Koonfurta Sudan ay xaalad halis ah wajahayaan halka Muwaadiniinta kale ee kunool Dalkaasi ay Dowladahooda ka daad gureeyeen Dalkaasi.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.