Skip to main content

Lixdii Bilood Ee U Dambaysay Waxaynu La Soconaa In Qiimaha Duxushu Gaadhay $ 15 doolar” Madaxwayne Ku Xigeenka JSL


Hargaysa(N.K) Wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta Somaliland, ayaa huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa shalay ka furtay bandhigga Cilmiga Tamarta Somaliland, kaasi oo socon doono muddo saddex Maalmood ah.

Bandhiggan, ayaa waxa lagu soo bandhigay waxyaabaha laydhka laga dhaliyo, sida Solarka, girgirayaasha dhuxusha Madhxiya, shooladaha Gaasta lagu isticmaalo iyo kuwo dubaaradda leh, waxaana Madasha bandhigga la keenay qalabkan oo dhammaantood la diyaariyey isla-markaana loo diyaariyey in la isticmaalo iyo weliba dhuxul dhagaxda, waxaana Wasaaradda Macdanta iyo Tamartu qalabkan oo dadka ka ganacsadaa soo bandhigeen ugu talo-gashay in dadku arkaan ama ogaadaan inay dalka ka heli karaan agabyo ay kaga maarmaan dhuxusha oo khatar dhinaca nabad-guurka ah ku haysa dalka iyo weliba laydhka caadiga ah oo qiimiisu aad qaali uga yahay Somaliland.

Furitaanka Bandhiggan, ayaa waxa ka qayb-galay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, Eng Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Qorshaynta qaranka, Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Deegaanka iyo horumarinta reer guuraaga, Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Bandare, wasiir ku xigeenka hawlaha guud, xildhibaanno iyo marti sharaf kale oo uu ka mid ahaa Madaxa hay’adda UNDP ee Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyey ujeedada iyo waxa ay uga dan leeyihiin bandhiggan, waxaanu yidhi “Carwadan aanu u bixinay “Bandhig Cilmiyeedka Tamarta Somaliland” waxaanu u qabanay inaynu hoosta ka xariiqno ahmiyadda Tamartu u leedahay Somaliland iyo sidii aynu qorshe uga qaadan lahayn horumarinteeda, waxa kale oo aanu uga jeednaa inaynu miisaano oo aynu daraasayno halka maanta Tamarta dalku joogto, meesha aynu u socono, caqabadaha ina hor-yaala, inay soo saarto xalka aynu kaga gudbayno caqabadaha innaga hor-yaala meesha aynu doonayno inaynu gaadhno, inaynu talooyin ka soo saarno marka aynu halkan ku gorfayno, inaynu abuuri karno tamar la awoodi karo oo jaban, nooceedu sareeyo, oo aadamaha dalka ku nooli uu iibsan karo, warshadana aynu ka samayn karno”

Wasiirka Tamarta, oo sii faahfaahinaya ujeedada iyo hadafka laga leeyahay bandhigan oo ah kii ugu horeeyay ee Wasaaraddu qabato, ayaa yidhi “Waxa kale oo ka mid ah waxa aanu uga jeedno Bandhigan, inaanu dib u eegno siyaasadda qaranku ka leeyahay qadiyadda Tamarta, inaynu ka soo saarno qorshe ah sidaynu u horumarin lahayn, qorshaha aanu xaqiiqo ahaan rabnaana waa sidii loo dhimi lahaa dhuxusha aynu shidano oo dhibaato weyn dalkeena ku haysa”

Furitaanka Bandhiggan oo ay ka hadleen Wasiirada Wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer Guuraaga, Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare iyo Qorshaynta, Dr Sacad Cali Shire iyo Weliba Madaxa hya’adda UNDP ee Somaliland oo bandhiggan Maalgalisay, ayaa waxa soo gunaanaday Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxaanu halkaasi ka soo jeediyay baaq ku aadan in labada sanadood ee soo socda 30% la yareeyo soo saaridda dhuxusha, balse ugu horeyn ka hadlaya Muhiimada Bandhiggan ayuu yidhi “Waxaan ku faraxsanahay inaan ka soo qayb-galo kulan cilmiyeedka lagu gorfeynayo Tamarta Somaliland, waxaanan u mahad-naqayaa ciddii soo diyaarisay oo ugu horeyso Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Guuraaga iyo hay’adda UNDP.

Baaqa kama dambaysta ah ee aanu halkan ka soo jeedinaynaa baaqa dhuxusha, waxaanu salka ku hayaa (Bandhiggu) sidii xal loogu heli lahaa gumaadka iyo dabar-goynta lagu hayo dhirta, iyadoo yoolka la saarayo in la helo tamar bedasha baahida Tamarta ee qarankeenu u baahan yahay”

Md. Saylici, waxa kale oo uu ka hadlay “Tamarta dhuxushu waa ta isticmaalkeedu ugu badan, wakhtigan xaadirka ahna waxay noqotay mihnad dhalinyarada iyo dadka reer miyigu ay nolol maalmeedkooda kala soo baxaan labaatankii sanadood ee u dambeeyay” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey oo uu sheegay in 80% la gumaaday dhirtii Somaliland “Waxaynu ka war-qabnaa in labaatankii sanadood ee u dambeeyay gubista dhirtu ay burburisay 80% dhirtii ama geedkeenii waynaa, taasoo dhul daaqsimeedkii xoolaheeni ku noolaayeen ku reebtay xaaluf, xooluhuna waa kuwa aynu 80% dhaqaale ahaan ku tiirsanahay, iyadoo xoolaha lagu qiyaaso in dalkeena uu ka soo galo dhaqaaluhu 80% dhoofinta iyo ka ganacsiga xoolaha, Waxa intaasi dheer ciddii caafimaadka qabtay ee wax lagu beeri lahaa ay qaadeen biyaha roobku, kuna dareen badaha, taasoo ay sabab u tahay dhulka la qaawiyey ee dhirtii ciidda hayn lahayd laga shiday dhuxusha, taasina waxay dhalisay inuu afar laabmo nabaad guurka ku yimid dhulkeena 30-kii sanadood ee u dambeeyay, iyadoo natiijadu noqotay in wakhtiga dhow uu dhulkeenu isku bedali doono lama degaan, waxa ayaan daro ah markii dhirtii waaweyd la dhameeyay in loo soo jeestay geed gaabkii, taasoo dhalisay in bilo gudahood lagu gubo dhul kiiloo Mitiro ah”

Madaxwayne ku xigeenku, waxa uu ka hadlay qiimaha dhuxusha oo lixdii bilood ee u dambeeyay cirka isku shareertay “Lixdii bilood ee u dambaysay waxaynu la soconaa in qiimaha dhuxushu oo cirka isku shareeray oo jawaankii gaadhay $ 15 doolar, halkii ay ka ahaan jirtay $ 6 doolar, taasoo ay sabab u tahay dhuxusha oo ku yar suuqyada lagu kala iibsado, taasina waxay caddeyn u tahay in gumaadka dhirtu marayo halkii ugu darnayd taariikhda Somaliland, hay’addo iyo aqoonyahano waxay xaqiijiyeen in 80% dhirtii la xaalufiyey, taasina ay caddaynayso in dalku deegaan ahaan uu ku jiro xaalad deg-deg ah, waana inaynu dhammaanteen gurmad ka wada galnaa, damiirkeenuna inama siinayo inaynu u dul-qaadano xaaladda deegaankeenu ku jiro, waxa qasab ah inaynu ku talaabsano wax kasta, qiimo kasta ha inagu kacee inaynu bedbaadino xaalaufka deegaankeena iyo dhirta” ayuu yidhi, isaga oo intaasi raaciyey waxa qorshaha xukuumaddu yahay ee lagu yareynayo jaridda dhirta iyo soo saaridda dhuxusha “Annigu Madaxwayne ku xigeen ahaan, anniga oo matalaya Madaxwaynaha JSL, waxaan soo jeedinayaa baaq ah in la yareeyo soo saaridda dhuxusha 30%, labada sanadood ee soo socda 2014 iyo 2015-ka. Waxaanu faraynaa Wasaaradaha Tamarta iyo deegaanka iyo hay’adaha ay wada shaqeynta leeyihiin inay si deg-deg ah u keenaan wixii xal u noqon lahaa xaaladdaa khatarta ah, kuna fuliyaan wakhtiga aanu bar-tilmaameedka ka dhiganay”

Madaxwayne ku xigeenku, waxa uu sheegay in cashuurta laga dhaafayo agabyada lagu bedalayo dhuxusha “Dawladda Somaliland waxay si deg-deg ah aanu ugu talaabsan doonaa in cashuurta laga dhaafo dhammaan agabyada tamarta ee la cusboonaysiiyo, sida gaaska”ayuu yidhi, Madaxwayne ku xigeenka Somaliland.

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g