Skip to main content

War Deg Deg Ah Dagaal Culus oo goordhaw ka qarxay Afgooye iyo Faah Faahin laga helayo cida uu u dhaxeeyo


Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi uu ka qarxay Dagaal aad u Culus oo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan.


Dagaalka ayaa hada socda ku dhawaad Saacad waxa uuna ka socdaa halka loo yaqaan Mukayga oo katirsan Degmada Afgooye waxa uuna u dhaxeeyaa Ciidamo kawada tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii Ciidamo katirsan Dowlada ay weerar kusoo qaadeen halka loo yaqaan Mukayga oo ah bar Koontarool ay kusugnaayeen Ciidamo kale oo katirsan Dowlada Soomaaliya.

Daryanka Rasaas Culus ay isweedaarsanayaan labada Ciidan ee Dagaalamaya ayaa wali si weyn looga maqlayaa Degmada Afgooye , Xaalada ayaana ah mid kacsan oo dadka cabsi badan ay lasoo daristay.

Wali si rasmi ah looma hayo Qasaaraha ka dhashay Dagaalka Cules ee u dhaxeeya Ciidamo kawada tirsan Dowlada Soomaaliya ee xiligan kasoconaya Degmada Afgooye.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.