Skip to main content

Jawaabtaydii ku Wajahnayd Maansadii Abwaan Dhinbiil.Ee RUUFAAD Ee Ku Wajahnayd Warbaahinta Gobolka Mid Ka Mida Iyo Aniga Aragtida Igaga Aadan Waxaan Tiriyay Heesta (run)..hal-abuur c/qani maxamed xuseen


(Bakinews )WAXAAN HALKAN IDINKU SOO TABINAYA JAWAABTII MAANSADII RUFAAD EE UU TIRIYAY ABWAAN MUSTAFE DHINBIIL


HADAAD RUNTIYO
ISKA REEBTUUN
RABI BAQASHADA
RAAGI MAYSIDE
RUGTII AAKHIRAAD
RAB KU SOO ODHAN
MAANSO RUUFADA
OO DHINBIIL RARAY
RAXANKEEDA AAN
ANUU FURAY
OO RUNSHEEGIYO
RAYXAQIIQA AH
KU RASEEYAAAN
WAANKU RAACOO
WAAN RUMAYSTEE;
ANA WAAN RIDDI
MID KALOO RUNA
OO RUGTEEDUNA
RUNTA UUN TAHAY ‘
MUUQAAL RUNA’OO
DADKU WADO RABO
KUWA REER YURUB
LOOGA RAYSTAY’
RAYO NOQON LAYD
HADAY RACDUUN
JIDKA ROONEE
QAYRKEED RAACEE
RUNTA SHEEGEE
EE ABWAAN RABO
EE AQOONTANA
LAGU KALA ROGO
RUGTA WARARKANA
LAGA WADA RARO
RAYO WAY NOQON
HADAY REEBTUUN
RAGA HAGAYEE
RAASA MAALKANA
KU DHEX RUUGEE
RAYO WAA GURI
RAG SAMAYSTEEN
RAASAMAALKIYO
LACAG RIISHUUN
LAGU RUUGEE
RAYO DARANEEY
RUUFAD BADANEEY
RAYGA DHALINTANA
RAGA AASOOW
ABWAAN RIMANOO
MURTI RIDAYANA
RAGA JARAYOW
RAGA MIIDHIYA
RUGTA KEENEE
LOO RIYAAQEE
U RABAYSNAA
SIDA LOO RIDO
WARAR RAAXO LE
MAXAA RIIXOO
RUGTA KA ERAYADAY
RAGII SAAHAAAAAAA
IMISAA RAYO
RAGBAL SOO MARAY
RAGII GOBOLKANI
KEENAY RIYADIII
INU WARIYUHU
RUGTAN KABARTUU
WARAR RASMIYOO
DADKU WADA RABO
RAGII FIIDKII
NOOGU RAYNJIRAY
BAL MAXAA RIDAY
RAXAN WARIYOO
RUBUC DHAAFAA
RAYO KA TAGOOO
KABA RAYSTEE
MA MEELBAA RAYO?
RAG XUN JOOGOOO
DADKA AAN RABIN
KII RUN SHEEGANA
KOLKAA RAAFTOO
RISIQIISANA ISKA RUUGTAA;
ALLOW RAYO IYO
RAGA WADA HAGA
RUNTA GARANSII
HADAAD RAYGAA
RUNTA GARAN WAYDO
KU KALOO ROON
OO RIS DOOGLIYO
ISHU RAACDAAA
DADKU SOO RARAN

hal-abuur c/qani maxamed xuseen

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.