Skip to main content

Mandela oo maanta la aasay soona gabagabaysay 10 maalmood oo uu maydkiisu yaalay

Aas qaran ayaa maanta oo axada mandela loogu samaynayaa laguna duugayaa ama lagu aasayaa ka dib markii uu maydkiisu yaalay muddo 10 cisho ah oo loo samaynayay xus iyo dabaaldag lagu xasuusanayo noloshiisii
. waxaana maandeela lagu aasay deegaankii uu ku dhashay kuna barbaaray ee qunu ee ku taala galbeedka magaalada johansburg ee dalkaasi koonfur afrika , maalintii shalay ayay ahayd ka dib markii maydka maandeela laga soo qaaday xarun militari oo ku taala magaalada pretoria ee caasimada dalkaasi koonfur afrika , maandeela markii la keenay hoygii uu ku dhashay ee qunu ayaa waxa la geeyay goob fagaare ah oo garoon ah halkaasi looga ducaynayay laguna xusayay noloshii hogaamiyihii madow ah ee dalkaasi koonfur afika nelson mandela xuskan maanta loo qabtay hogaamiyihii geeriyooday ee mandela ayaa waxa ka soo qayb galay in ka badan 4000 oo qof oo marti ahaa oo ka kala yimid daafaha dunida sidoo kalana waxa goob joog madaxweynaha koonfur afrika Jakob Zuma iyo ehelada Nelson mandela .
isku soo wada duuboo mandela ayaa la aasay mandela ayaa lagu aasay tuuladii uu ku dhashay ee Qanu
geerida mandela ayaa maanta oo axada la soo gabagabeeyay ka dib maalmo dabaal degyo iyo baroordiiqi ay ka socotay guud ahaan dalkaasi koonfur afrika dunida oo dhanina ay aad uga xumaadeen geeriyda ku timid mandela sidoo kale intii uu aasku socday ayaa waxa ka qayb qaadanayay ciidamada qaybaheeda kala duwan ,diyaaradaha helicopterta , ciidamada banbayda, baadiriyaayaasha koonfur afrika .si wayn ayaa aaska looga qayb qaatay waxaanu ahaa aaskii ugu waynaa ee abid ka dhacda dunida lkn su,aasha is waydiinta mudan ayaa waxa ay tahay{ MANDELA LA AASAYE MAXAA XIGI DOONA}

DAAWO AASKA MANDELA IYO SIDA UU U DHACAY


Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Labo ka mid ah isbitaalada ugu waawayn marinka Gaza oo shaqo joojin sameeyay

 Laba ka mid ah isbitaaladii ugu waawaynaa Marinka GAZA ayaa joojiyay hawlihii caafimaad ee ay u qabanayeen bukaanada ku soo dhaawacmay duqeymaha halkaasi ka socda  Labadii isbitaal ee ugu weynaa Gaza ayaa joojiyay inay qaabilaan bukaanno cusub sababo la xiriira duqeymaha ka dhanka ah Israel iyo daawo yaraanta ay weheliso Gabaabsiga shidaalka, iyadoo la sheegayo inay Korortay dhimashada bukaanada iyo shaqaalaha caafimaadka. Al-Shifa iyo Al-Quds, oo ah isbitaallada ugu waaweyn Gaza, ayaa sheegay inay gabi ahaanba Hakiyeen hawlihii shaqo ee Gargaarka iyo daawaynta bukaanada  Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa tilmaamay in qaar kamida shaqaalihii caafimaadka isbitaaladaasi la dilay  inkastoo hayada caafimaadka aduunka ay ka digayso kororka dhimashada bukaanada kuna baaqday in si deg deg ah loo sameeyo Xabad Joojin .

Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Qore Rabiile Xaaji Abiib

  Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Magaca Gadabuursi, waxa inta badan la yidhaa waa naanaysta "Ilma Siciid", sida aan ka akhriyay Buugga taariikhda Gadabuursiga ee uu qoray Cabdiraxmaan Qaadi (AHUN). Qoomiyada Oromadu waxa ay leeyihiin fasiraad dheer oo qodobkan la xidhiidha. magaca Gadabuursi waxa ay si toos ah u la xidhiidhiyaan nidaamka maamul ee dhaqanka Oromada (Gada System). Waa nidaam dimuqraadi ah oo ay dadku soo doortaan Gandaha Dhaqan oo ah xeerbeegtida bulshada oo uu madax ka yahay (Abaa-gadhe), golaha Difaaca oo ah hogaanka ciiidanka oo u madax ka yahay (Abaan-Duulle) iyo Golaha Sahanka iyo Xidigiska oo madax ka yahay (AbĂ an waare). Nidaamkan GADA ayay ku tilmaamaan in uu ahaa nidaam gadabuursiga la gu majeeran jiray, magaca Gadabuursi na uu kala jabo laba qaybood oo kala ah Gada oo ah "Nidaam" iyo "Biirsi" oo ah hadhaadigii. Macnuhu waa hadhaagii Nidaamka. Siday ku timid? Inkasta oo aanay dhacdadani si cad u gu dhignayn Buugga furash