Skip to main content

Cali Mareexaan iyo Salaadiin ka soo jeeda New Hargeysa oo Madaxtooyaddu soo siisay Tiyaatarkii Cumar Caydiid dhistay

Hargeysa(Nuux kadiye ) Madaxtooyadda ayaa la sheegayaa in ay soo siisay qayb ka mid ah Tiyaatarka Hargeysa Xildhibaan Cali Mareexaan, C/laahi Geel-jire iyo laba Suldaan oo ay isku shaqaystaan si ay macaash buuran uga helaan.
breaking newsTalaabada Xukuumaddu ku siisay Kooxdan magaca Xukuumadda ku qadhaabata ayaa la sheegayaa inay ka gadoodeen Beesha Cumar Caydiid oo ah Ganacsadihii hore Tiyaatarka loo siiyey ee dhisay, waxaanay nidar ku mareen in ay ku Dili doonaan haddii kooxdaasi u soo dhawaato.

Warar hordhac ah oo aanu ka helnay arrintan ayaa sheegaya Koox ka soo jeeda Beesha Ina Caydiid in ay galeen gudaha Tiyaatarka iyagoo ku hubaysan Boobayaal fudud si ay uga hortganaa gardarada iyo Boobka ay madaxtooyadda Somaliland usoo qortay kooxda maafiyadda ah ee dhamaysay mashaariicdii Dalka oo dhan.
Madaxtooyadda ayaa Ooda ka qaaday in ay Dhulkii iyo Hantidii Dawladda ku faraqdo koox yar oo ay gadhwadeen ka yihiin Inamadii Qal-qaaliga ahaa ee C/raxmaan Cirro sheegay in Madaxtooyadda laga soo diro, waxaana toddobaadakan oo kali ah iska soo daba dhacaya Digreetooyin aan la garanayn cida Madaxweyne Siilaanyo ka soo saxeexaysa maadaama oo uu sanadkan oo kali ah dhawr jeer iska soo daba saaray digreetooyin uu ku mamnuucayo Dhulka iyo Guryaha Dawladda in la bixiyo.
Xaruntii Net-fish ee Berbera, Library-gii kali ahaa ee ay Ardayda Reer Somaliland wax ku akhrisan jirtay ee Gaandi iyo BOOS-ta ku dhegsan Saldhiga Dhexe ayaa mar kali ah la soo wada siiyey Ilma Faarax Xarbi, halka maantana laga yaabo inuu dhiig ku daato Tiyaatarkii Cumar Caydiid Malaayiinka Dollar kaga baxeen ee dhawrka jeer dagaalku ka dhacay.
Xigasho waaheen,com

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.