Skip to main content

Maayarka Magaalada Boorama Md.Saleebaan Xasan Xaddi Oo Ka Hadlay Arimo Muhiim Ah Oo Ay Dadwaynuhu Su’aalo Badan Iska Waydiinayeen Maalmihii U Danbeeyay


Borama-(Nuux kadiye)-Maayarka Boorama Md. Saleebaan Xasan Xadi ayaa maanta u waramay warbaahinta maxaliga ah, waxana uu ka war bixiyay dhawr arimood oo ay dadwaynahu doonayeen in ay dawlada Hoose ee Boorama kala
iftiimiso.

Maayar Saleebaan ayaa waxa uu ka dhawaajiyay halka ay ku dambeeyeen qorshayaashii dhismaha wadooyinka Sh. Cali Jawhar ee laamiga laga dhigayay iyo dhismaha biriijka xaafada Sh. Cismaan oo ah mid baahi wayn loo qabo, waxana uu yidhi “Waa Alle mahadii oo maanta ayaan saxeexnay hishiiskii dhismaha xaafada Sh. Cali Jawhar oo laami laga dhisayo, waxana uu laamigaasi ku dhismayaa iskaashiga Dawlada iyo Dadka xaafada, sidoo kale waxa aan sheegayaa in aan wadno qarshaynta dhismaha biriijka xaafada Sh. Cisman oo aan ku wadno inuu noqdo biriijka ugu wayn magaalada, dhamaan dhismayaashaas oo dhan waxaan ku talo galsanahay inaan bilawno horaanta sanadka soo socda ee 20134”
Maayar Saleebaan waxa uu ka hadlay cashuuraha iyo hadalka tirada badan ee dhaliisha u badan ee ka soo yeedhaya dadwaynaha, kaasi oo sheegaya in shaqaalaha cashuuraha ee D/Hoose ay xaafado badan oo lacagta cashuurta ah bixiyay ay hadana mar labaad ka soo furteen albaabada waxana uu yidhi “Wax walba oo la wadaa waa dib u sixid iyo kordhin dakhli, ma jirto cid laba goor cashuur laga qaaday, waxa arinta qaloocinaya waa koox tiro yar oo cashuurta la dhuudhuumata oo aan go’aansanay inaan dibada oo dhigno oo aan ka qaadno cashuurta waajibka ah, sidaas aawadeed waxa aan dadwaynaha u sheegayaa in cashuurtu ay waajib tahay oo loo baahan yahay inuu qof walba bixiyo.

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida ...

Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Qore Rabiile Xaaji Abiib

  Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Magaca Gadabuursi, waxa inta badan la yidhaa waa naanaysta "Ilma Siciid", sida aan ka akhriyay Buugga taariikhda Gadabuursiga ee uu qoray Cabdiraxmaan Qaadi (AHUN). Qoomiyada Oromadu waxa ay leeyihiin fasiraad dheer oo qodobkan la xidhiidha. magaca Gadabuursi waxa ay si toos ah u la xidhiidhiyaan nidaamka maamul ee dhaqanka Oromada (Gada System). Waa nidaam dimuqraadi ah oo ay dadku soo doortaan Gandaha Dhaqan oo ah xeerbeegtida bulshada oo uu madax ka yahay (Abaa-gadhe), golaha Difaaca oo ah hogaanka ciiidanka oo u madax ka yahay (Abaan-Duulle) iyo Golaha Sahanka iyo Xidigiska oo madax ka yahay (Abàan waare). Nidaamkan GADA ayay ku tilmaamaan in uu ahaa nidaam gadabuursiga la gu majeeran jiray, magaca Gadabuursi na uu kala jabo laba qaybood oo kala ah Gada oo ah "Nidaam" iyo "Biirsi" oo ah hadhaadigii. Macnuhu waa hadhaagii Nidaamka. Siday ku timid? Inkasta oo aanay dhacdadani si cad u gu dhignayn Buugga furash...

Siyaasigii ugu saamaynta badnaa waayahan Somaliland ay Jirto oo Wasiir looga Magacaabay Xukuumada Muuse biixi

Siyaasigii ugu saamaynta badnaa waayahan Somaliland ay Jirto oo Wasiir looga Magacaabay Xukuumada Muuse biixi  Abdinasir Muhumed Hassan Buuni Waa siyaasi Qunyar socod ah kaasi oo la soo dabaashay Marxalado siyaasadeed oo kolba dhinac isku rogayay Mar uu Mucaarad ahaa iyo Hada oo uu ka mid yahay Bahda Xukuumada Somaliland Kuwooga aadka isha loogu hayo Marka ay taagan tahay ka hadalka dhanka Warbaahinta  Abdinasir Buuni oo Markii u danbeysay ahaa Afhayeenka Xisbiga Talada haya ee Kulmiye ayaa magacaabistiisu waxa ay sabab u ahayd inuu markiiba caan ka noqdo deegaanada somaliland iyo guud ahaanba marxalada siyaasadeed ee isbadbadalka badnayd  Difaacida Xukuumada Somaliland ayuu hadh iyo habeenba u taagnaa waxayna arintaasi meesha ka saartay in Gabi ahaanba dhaliisha xisbiyada Mucaaradka Somaliland iyagoona Ninkaasi ku tilmaameen inuu ku yahay Laf dhuun gashay oo meel loo dhaafi karaaba jirin Xaalku waxa uu Gaadhay Buuni iyo Mucaaradka inay iskugu soo hadhaan Fagaaraha ka had...