Skip to main content

Xawaaladihii ka shaqeenayay Degmada Afgooye oo Maanta la xiray iyo Faah Faahino kasoo baxaya cida xirtay

Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheega in la xiray xarumihii Xawaaladaha ee ka howl shaqeenayay degmadaasi kadib markii ay sidaasi amreen masuuliyiin katirsan Maamulka Degmadaasi.


Gudoomiye u xigeenka Dhinaca Amaanka Degmada Afgooye Mahdi Axmed Xasan ayaa sheegay in Masuuliyiin katirsan maamulka Degmada Maanta si qasab ah ku xireen Xarumaha Xawaaladaha iyo goobo kale oo gancsi oo kuyaala Degmadaasi.

Sargaalkan ayaana sheegay in amarka lagu xiray xarumaha Xawaaladaha uusan aheyn mid dowli iyo mid maamulka Degmada ka war hayeen waxa uuna tilmaamay in kaliya uu amarakaasi kasoo baxay Masuul dhinaca maaliyada u qaabilsan maamulka Degmada oo watay Ciidamo beeshiis ah.

Mahdi Axmed Xasan ayaa sheegay in hada ay wadaan baaritaano ku aadan sababta maanta loo xanibay Xawaaladihii ka shaqeenayay Degmada Afgooye iyo Goobo kale oo ganacsi waxa uuna ka raali galiyay ganacsatada iyo shacabka dhibkii maanta loo geestay.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Masuuliyiinta iyana katirsan Maamulka Degmada Afgooye ee maanta bixiyay amarka lagu xiray Xarumaha Xawaaladaha ee Degmada Afgooye, waxa ayna tani muujineysaa in uu khilaaf ka dhax jiro Maamulka Degmaasi oon iyagu iskaba war heyn.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.