Skip to main content

Wakiilada Oo Ansixiyey Qorshe-Hawleedka Golaha Ee Sannadada Soo Socda


(Hargeysa:Bakinews) Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta ansixiyey qorshe-hawleedka golaha ee Sannada soo Socota. Fadhiga maanta ee Golaha wakiilada Somaliland oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha golahaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa mudanayaashii ka soo qayb galay waxa loogu qaybiyey hadal qoraalka doodii ay mudanayaasha golaha wakiiladu ka yeesheen qorshe hawleedkooda ay ku shaqayn doonaan 2013-2015.


Fadhiga maanta ee golaha wakiilada Somaliland oo ay ka soo xaadireen xildhibaano tiradoodu tahay 45 mudane ayaa waxa ogolaaday in la ansixiyo qorshe hawleedka golaha wakiilada 41 mudane, halka ay ka diideen 2 mudane , hal mudane uu ka aamusayguddoomiyuhuna aanu codayn. Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaana sidaas ku ansixiyey qorshe hawleedkooda ay ku shaqayn doonaan 2013-2015.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.