Skip to main content

Maraykanka oo baaq u diray K Sudan

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, John Kerry, ayaa sheegay inuu u dirayo ergaygiisa gaarka ah ee Donald Booth magaalo madaxda Koonfurta Sudan ee Juba, si loo dhiiri galiyo wadahadal labada dhinac ee iska soo horjeeda.

Kadib dagaaal socday toddobaad oo ay ku dhinteen ugu yaraan shan boqol oo qof, Mr Kerry, ayaa ugu baaqay hogaamiyayaasha Koonfurta Sudan inay xakameeyaan kooxaha hubaysan ee hoos yimaada.
Diblomaasi sare oo Faransiis ah, Gerard Araud, ayaa sheegay in madaxweyne Salva Kiir uu ogolaaday inuu wadahadal sharuud la'aan ah galo. Wali war lagama hayo madaxweyne ku xigeenkii hore Riek Machar, oo Khamiistii u sheegay raadiyo Faransiis ah inuu doonayo in madaxweynaha uu is casilo.
Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka dariska koonfurta Sudan ayaa la filayaa inay dhex dhexaadiyaan labada dhinac.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.