Skip to main content

Qaramada Midoobay Oo Gacanta Isu Saartay Cabdiraxmaan Faroole Iyo Cadde Muuse



(SLT:Hargaysa) Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa ka Odayeeyay sidii ay isugu keeni ahaayeen Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheeh Maxamed (Faroole) iyo Madaxweynihii hore General Cadde Muuse Xersi.
Wakiilka Xafiiska Qaraada Midoobay ee Soomaaliya Nuuradiin Aadan Diiriye,ayaa shalay isugu  keenay  Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe General Cadde Muuse Xersi. Madaxweynihii hore ee Puntland iyo Madaxweynaha xilligan Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.








“Waxaan ku faraxsannahay inay maanta isu yimaadaan Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed iyo Madaxweynihii hore Cadde Muuse Xirsi kuna heshiiyaan inay ka wada shaqeeyaan midnimada Puntland iyo in doorashada Madaxweynuhuna ay qabsoobto 08/01/1014,baarlamaankuna uu fadhiisto kowda bisha kana heshiiyeen wixii fhilaaf ahaa ee dhexdooda yaallay.” Ayuu yidhi Wakiilka Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nuradiin Aadan Diiriye.





Cadde Muuse  Madaxweynihii hore ee Puntland,ayaa dhankiisa sheegay inay isku afgarteen Madaxweyne Cabdiraxmaan in doorashadu xilligeeda ka qabsoonto Puntland iyo inay wada jir u taageeraan ulana shaqeeyaan cidda ku soo baxda.





“Waxaannu Madaxweynaha ku heshiinay inay Puntland doorashadu ka dhacdo wakhtigeeda iyo inaanu nabadda ka wada shaqaynno,waxaa kaloo aannu ku heshiinay inaanu wada ilaalino jiritaanka Puntland oo aanu la shaqaynno cid kasta o ku soo baxda doorashada Puntland.”





Madaxweynaha Puntland Cadiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole,ayaa dhankiisa isna sheegay inay yihiin labadoodu maanta siyaasyiinta Puntland ugu da,da wayn isla markaana ay ka mid yihiin aasaasayaashii Puntland dhankoodana aan wax xun laga filan Karin.





“Maanta (shalay) waxaannu nahay labada nin ee  ugu da,da weyn siyaasiyiinta Puntland waxaana nalaga filayay wanaag,waana kaa aanu maanta ku dhawaaqnay ee aanu wada jirka u sheegnay waxaanan ku heshiinay sidaa uu sheegay Madaxweynihii hore inaanu wada ilaalino jiritaanka Puntland iyo n doorashadu xilligeeda qabsoonto.”

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.