Skip to main content

Ururka Jaamacada Carabta Oo Ku Dhawaaqay In Ay Argagixiso U Aqoonsadeen Ikhwaanul Muslimiinta MASA


(Bakinews:Hargaysa) Ururka Jaamacadda Carabta ayaa  soo saaray warbixin uu ku sheegay inay si rasmi ah ugu aqoonsadeen ururka Ikhwaanul Muslimiinta dalka Masar urur argagaxiso, iyadoo ururku uu qoraal arrintan ku saabsan u dirayay dalka ee xubnaha ka ah.



Inkastoo dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta aanay go’aankooda ku dhawaaqin weli ayaa haddana waxay tani imaanaysaa iyadoo dowladda Masar ay horay ugu dhawaaqday inay ururkaas u aqoonsatay urur argagaxiso.



Ururka Ikhwaanul Muslimiin oo macnihiisu yahay (Walaalaha Muslimiinta) ayaa waxay ahaayeen taageerayaashii ugu ballaadhnaa ee doortay madaxweynihii hore ee dalkaas, Maxamed Mursi oo ay xukunka ka tuureen sannadkan ciidamada milateriga Masar.



Ciidamada amaanka Masar ayaa shalay xoog ku galay jaamacado ku yaalla dalka Masar oo ay ku jirto jaamacadda Al-Azhar iyagoo xidhidhay 39-ruux oo ardaydii jaamacadahaas wax ka baranayay ah, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay xubno ka yihiin urruka la mamnuucay.



Ardaydan la qab-qabatay ayaa waxaa ku jira 18 gabdhood, waxaana qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa magaalada Qaahira ay soo sawireen askar si xun u garaacaysa ardaydan wiilasha iyo gabadhaha isugu jira.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.