Skip to main content

War Deg Deg ahMudaharaado ka socda barriga iyo Galbeedka Hargeysa iyo Biyo la’aan soo food saartay xaafado badan

13Hargeysa(Bakinews) Mudaharaado balaadhan oo biyo tiray xaafadaha Hargeysa ayay saaka ku dhaqaaqeen IskaashatadaBooyadaha Hargeysa, kuwaas oo dhawr boqol oo booyadood oo Hargeysa u dhaamin jiray ku ururiyey barxado ku yaala Hotelka Crown iyo Shiraaqle ee Barriga iyo Galbeedka Hargeysa.
Booyadlayaasha ayaa ka cabayanay cashuuro ay ku soo rogeen Dawladdea Dhexe iyo ta Hoose ee Somaliland, waxaanay sheegeen illaa xukuumaddu ka noqonayso Tacriifadahaas in ay wadayaan Mudaharaadka.



70% magaaladda Hargeysa waxa u dhaamiya Booyadaha, waxaana saaka laga dareemayaa biyo la’aan kadib markii ay Booyadahani shalay shaqada jooijiyeen iyagoo isla markaana maaanta mudaharaad balaadhan ku soo bandhigay cabashadooda.
Talaabada ay Booyadlayaashu ku dhaqaaqeen ayaa durtaba sii fidaysa waxaana ku soo biiraya qaar ka mid ah Iskaragooyinka Ciida iyo Dhagaxa gura, kuwaas oo qaba isla cabashada Cashuuraha la kordhiyey, kuwaas oo ay ku tilmaameen in aanay qaadi Karin.
12456789101112C/laahi Caydiid Xayd oo ah Af-hayeenka Booyadlayaasha oo Waaheen ku waraysatay goobta ay ku mudaharaadayaan ayaa Waaheen u sheegay sababta ay u mudaharaadayaan waxaanu yidhi “ waxa saaka nagu kalifay in aanu mudaharaadkan Salmiga ah samayno dhibaato nagala soo daristay cashuuraha ay xukuumaddu na saartay kuwas oo ah kuwo aanaan qaadi karayn, markaa waxay nala noqotay in aanu booyadahayaga iska dhigano oo dhibta aanu ku qabno ay nala dareemaan Dawladda iyo dadweynuhuba” ayuu yidhi
Af-hayeenka oo la weydiiyey intii aanay mudaharaadin ka hor in ay xidhiidh la sameeyeen Xukuumadda si wax looga qabto cabashadooda waxa uu yidhi “wasaaradda Maaliyadda iyo Arrimaha gudahaba waanu u tagnay waxay noogu jawaabeen Baarlamaan baa Ansixiyey markaa iska bixiya Cashuurta, dee anana waxaanu xal moodnay in aanu iska dhigano baabuurtayada maadaama aanaan awoodi karayn” ayuu yidhi
Mar la weydiiyey booyadlayda tiradooda iyo inta ay wadayaan mudaharaadka waxa uu yidhi “halkan laba boqol iyo dheeraad baa jooga, dhinaca Barrie e shiraaqlana intaas in leeg, mudaharaadka isaga waanu wadaynaa illaa inta ay xukuumaddu ka noqonaysao cashuuraha ay na saartay” ayuu yidhi
Sidoo kale, shaqo joojinta Booyadlayaasha ayaa saamayn kale ku yeelanaysa dhismayaasha ka socda Caasimadda kuwaas oo ay shaqadoodu ku xidhan tahay Booyadlayaasha iyo Iska ragooyinka.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.