Skip to main content

Daawo Sawirada Dowladda oo diyaarad Muqdisho ku keentay Soomaali badan oo ku go’doonsanaa South Sudan

BakinewsDowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo celisay Caasimadda Muqdisho 131 ruux oo qaxooti Soomaali ah , kuwaasoo ku dhibaateysnaa Magaalada Juba , halka qaar kalana ay ku go’doonsanaayeen Magaalada Bor ee Xarunta gobolka Jonglei ee wadanka South Sudan oo dagaalo dhiig badan ku daatay uu ka soconayo, kuwaasoo sababay geerida laba muwaadin oo Soomaali ah iyo dhaawaca mid kale . 

Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam oo ku soo dhoweysay qaxootigaasi Soomaaliyeed garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxa ay sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay u kireysay diyaarad gaar ah oo lagu soo daabulo qaxootiga Soomaaliyeed ee dhibaatada kula soo gudboonaatay wadanka South Sudan ,

waxa ayna tiri “ Arrinkani waxaa lagu fuliyay amar uu bixiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Hassan Sheikh Mohamud oo ka damqaday dhibta iyo xaaladda murugada leh ee la soo gudboonaatay dadkeena ku nool South Sudan , Wasaaradda Arrimaha dibaduna waxa ay fulisay amarka Madaxweynaha “. \

H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa waxa ay warfidiyeenada u sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya marnaba aaney ka gaabin doonin kaalinteeda badbaadinta iyo sare u qaadida qiimaha muwaadinka . 
\
Qaxootiga maanta dib loogu soo celiyay wadanka ayaa farxad iyo ereyo taageero ah muujiyay markii ay arkeen muuqaalka Wasiir Fawzia Yusuf oo ku soo dhoweyneysa garoonka diyaaradaha , iyadoo ay wehliyeen Xildhibaano , mas’uuliyiin sar sare oo ka kala tirsan Wasaaradaha Arrimaha dibadda , Arrimaha gudaha , Booliska , maamulka garoonka iyo dowladda hoose ee Muqdisho. 

Qaxootigani ayaa looga soo daabulay garoonka diyaaradaha basas ay leeyihiin Booliska Soomaaliya , laguna kala gaarsiiyay xaafadaha ay Muqdisho ka kala degan yihiin , halka qaar kale oo qoysaskooda aaney deganeyn Muqdisho ay Wasaaraddu dejisay hoteelo si ay nasiino u helaan kahor safarkooda gobolada dhexe iyo kuwa waqooyi ee dalka . 

Talaabadani maanta dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaaday ayaa noqoneysa geedi socod cusub oo ku wajahan daryeelka iyo badbaadada nafta muwaadinka Soomaaliyeed , waxaana lagu wadaa n dib loogu soo celiyo dalka dad kale oo qaxooti Soomaali ah oo iska diiwaan geliyay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Juba – South Sudan.







Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.