Skip to main content

Wasaaradda Duulista iyo Shirkadda NASHA oo ku fashilmay adeega Madaarka iyo Diyaarada African Express oo banaanka soo dhigtay

Hargeysa(Nuux kadiye) wasaaradda Duulista Hawada iyo shirkadda maamusha adeegyada Madaarka Hargeysa ayaa maanta ku fashilmay diyaaradda Afrikan Express in ay u kiciyaan Injiinka kadib markii diyaaradaasi oo saaka soo fadhiisatay ay Duuli kari weyday baytariyadii oo ka seexday darteed.

Wasaaradda Duulista iyo Shirkadda NASHA oo si wadajir ah u maamula siinta diyaaradaha adeegyada noocan oo kale ah isla markaana diyaarad kasta ka qaada marka ay soo caga dhigato $1000(kun Dollar) ayaa maanta tahli kari waayey in ay diyaaraddaasi siiyaan dab ku filan oo ay ku kiciso baytariyadeeda.
Shirkadda African Express oo ah shirkadda ugu casrisan shirkaddaha Duulimaadyadoodu yimaadaan madaarada Somaliland ayaa kici kari weyday iyadoo Rakaabkii ay siday qaarkood Muqdisho iyo Boosaaso u kala saartay diyaarado yar yar halka kuwii Nairobi tagi lahaana la dajiyey hotelada Hargeysa.
Fadeexadan ayaa banaanka soo dhigtay tamar darida qalabka ay Wasaaradda Duulista iyo Shirkadda NASHA shirkaddaha diyaaradaha kaga urursadaan lacagta, iyadoo aanay Xukuumaddu waxba hore uga qaban cabashooyin caynkan oo kale ah oo ay shirkaddo qalab kala soo dagayey diyaaradu cabasho uga muujiyeen awood la’aanta Wiishashka Rarka ee NASHA.
Ilo wareedyo u dhuun daloola Fadeexadan ayaa sheegaya in qalab lagu kiciyo diyaaradan laga doonay Kenya, taasoo ku tusaysa in mudadii sadexda sano iyo saa’idka ahayd ee Madaxweyne Siilaanyo xilka hayey waxa qiimayn ah lagu samayn madaarka, halka dhabada diyaaradaha lagu dhisay kaalmo aya Dawladda Kuwait ku caawisay xiligii Rayaale, isla markaana qalabka NASHA uu yahay kii ay keeneen wakhtigii C/laahi Maxamed Ducaale.
Diyaaradaha waaweyn ayaa la sheegay in aanay Madaarada Dalka u hoyan, waxaana taas sabab looga dhigay fadeexadan maanta soo baxday oo kale oo ay hore u qarsanayeen kadib markii ay shirkadda NASHA iyo wasaaradda Duulista ka waayeen in ay qalabka lagu kiciyo mishiinada ka waayeen madaarada, taasoo geysay in ay u hotdaan Madaaradda kale ee dalalka Jaarka ah.
Diyaaradda African Express ayaa saaka ka soo duushay Dubai, waxaanay rakaab kala duwan u siday Somaliya iyo Nairobi, iyadoo lugteeda labaadna Rakaab ka soo qaadi lahayd Kenya, Somaliya iyo Somaliland, kuwaas oo ku hoyan lahaa Dubai.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.