Skip to main content

Wasiirka Daakhiliga Oo Mucaaridka Ku Booriyay Inay Fahmaan Kaalintooda Dastuurig ah


Hargeysa (Nuux kadiye)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde oo socdaal shaqo ku jooga dalka Ingiriiska ayaa sheegay inuu rajaynayo inay wada hadal lagu soo afjaro shirka xisbiyadda mucaaridka ahi ku baaqeen ee ay ugu magac dareen “shirka dooda qaran”.

“Amniga dalku waa mid xasiloon, waxaa kaliya ee la wada ilaalinayaa waa nabadgelyadda ILAAHAY baa mahad leh, waxaanu wasaarad ahaan si weyn ugu fogan nahay ilaalinta nabadda waxaanan muddadii aanu joognay ku soo kordhinay wax badan oo aanu wax ka qqabanayno oo ay baabuurta 99-ka ee degdega ah ee Booliska ayaa ka mid ah. Qeybtii labaad ee baabuurta gurmadka deg-dega ah ee loogu tallo galay goboladda dalkuna waxay yimaadeen imika dekadda Berbera,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiliga oo u waramayay Telefishanka SLNTV.
Wasiirka oo ka hadlayay shirka dooda qaran ee axsaabta mucaaridku gogoshiisa dhigeen, waxa uu ku dooday inuu rajaynayo inay arrinta shirkaas ay wada hadal ku dhamaysan doonaan xukuumadda iyo xisbiyadda mucaaridka ahi, waxaanu yidhi “Arrintaasi waxaan u arragnaa in Axsaabtu garanayaan inta sharciga ku leeyihiin. Axsaabtana way nala shiraan kolba marka uu arrin soo kordho, waana axsaab qaran tallo way soo jeedin karaan, haddii ay cabasho qabaan hoos waa loo eegi karaa. markaa waxaan filayaa inay dhawaan xukuumaddu iyo axsaabtu dhamaysan doonaan, oo wada hadli doonaan, arrintaasi wanaag ku dhammaan doonto

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.