Skip to main content

Munaasibadda Xuska Sannadguurada 70-aad Ee Ciidanka Booliska Soomaaliya Oo Muqdisho Lagu Qabtay

Nuux kadiye -------Munaasibadda Xuska Sannadguurada Tobaatanaad Ee Ciidanka Booliska Soomaaliya 
Munaasibadda Sannadka Guurada Todobaadtanaad ee Ciidammada Booliska Soomaaliyeed, magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayuu dagaal deggooda ka socdaa, iyadoo maanta Gaadda kacayaal aad u qurux badan ay ku soo bandhiggeen Fagaaraha dugsiga Tababarka General Kaahiye ee Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wasiirro ka tirsan dowladda, Taliyeyaasha ciidammada Booliska Soomaaliya, saraakisiha ciidammada Qalabka Sida, masuuliyiin ka socotay Midowga Yurub iyo dowladda Turkiga ayaa ka soo qeyb-galay dabaal deggii ay ciidammada Booliska maanta  sameeyeen.
Ciidammada Booliska oo ka kooban dhowr qeybooda ayaa Gaadda Kayaal dheer ku sameeyey Fagaaraha Akadeemiyada General Kaahiye, iyadoo uu Salaan Sharaf uu ka qaadanayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna taliyaha guud ee ciidammada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Ciidammada ka hortagga Rabshada loo diyaariyey ayaa iyana bandhig ay ku muujinayeen sida looga hortago dibed-baxyada rabshadaha wata soo bandhiggay, waxaana Daawanayey madaxweynaha iyo masuuliyiintii kale ee ka soo qeyb-gashay, iyadoo dhinaca kale dabaal degga ay qeyb ka ahaayeen Fardo loo Tababaray ka qeyb-galka Fantasyaha ciidammada.
Gabagabada qeybta koobaad ee dabaal deggana sannad guurada Todobaadtanaad ee Ciidammada Booliska kaddib ayaa masuuliyiin ka Tirsan Ururrada Haweenka Qaranka Soomaaliyeed iyo saraakiil  ciidan waxa ay ciidammada ugu hambalyeeyeen sannad guurada todobaadtanaad, waxana u rajeeyeen guur, waxaana saraakiisha hambalyada direysa ka mid ah taliyaha kooxda Heegan ee Ciidammada Booliska Soomaaliyeed Aadan Cumar Axmed “Aadan Biid”.
Ciidammada Booliska Soomaaliya ayaa la aas aasay sannadkii 1943-dii, waxaa ciidammada ugu faca weyn guud ahaan ciidammada Qalabka Sida, waxa ay soo mareen muddo labaatan sanno oo bur-bur ah hasa yeeshee,   waayan ayeey la soo baxeen isbaddello waa weyn oo dhinaca dhismaha ah, waxa ayna habeen iyo maalin u taagan yihiin ilaalinta amniga iyo Sharciga.
3
7
35
46
49
56

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.