Skip to main content

Hanti-dhawrka iyo Xukuumadda Somaliland oo Eedayn musuq maasuq u gudbiyey WFP

Hargeysa(Nuux kadiye) Hanti-dhawrka Somaliland iyo wasaaradaha ay khusayso hawlaha Mashaariicda WFP ka wado Somaliland gaarwfpahaana wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa manta masuuliyiin ka tirsan Hay’adda Cuntada Adduunka WFP u bgudbiyey Eedo ka dhan ah Raashinkay ay hay’adaasi maamusho oo ay ragaadiyeen maamul xumo iyo musuq maasuq.

Kulan ay Xukuumadda iyo WFP ku wada yeesheen wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayey ilo wareedyo u dhuun daloolay Waaheen u sheegeen in ay Xukuumadda Somaliland ku hor dhigtay masuulioyiinta ha’addaasi warbixino ay ka soo diyaariyeen Goboladda Barrie e Somaliland, kuwaas oo ay hay’adaasi sadexdii sano ee Madaxweyne Siilanayo talada dalka hayey loo leexiyey, waxaanu macluumaadka la hor dhigay u badnaa musuq maasuq baaxad leh oo la sheegay in ay ku lug leeyihiin masuuliyiinta Hay’adaasi.
Xafiiska Mucaawinada WFP oo la kowsaday Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa tiraba sadex masuul laga bedelay ka dib markii uu khilaaf la xidhiidha arrimahan musuq maasuq ee hada soo shaac baxay cilinkooda la saari waayey, hase yeeshee Agaasimaha Xafiiskaasi ayaa qaylo dhaantan iclaaminayey tan iyo intii uu xilka qabtay.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuude Siilaanyo ayaa guddi wasiiro ah u saaray baadhitaanka musuq maasuqa lagu sheegayo Hay’adaasi, guddidaasina waxay hawl gelisay Hanti-dharka kaasoo si qoto dheer baadhitaan ugu waday bilahanba, waxaanay xukuumaddu talo ku gaadhay inta aanay talaabo ka qaadin hay’adda WFP in ay marka hore u bandhigto Fadeexadaha dul yaala.
Ilo wareedyada kulankan ka soo tabiyo warkani waxa ay sheegayaan in masuuliyiintii ka socotay WFP ay ka war wareegeen in ay aqabalaan natiijada ka soo baxday baadhitaana ay Xukuumaddu samaysay, hase yeeshee waxa la sheegay in ay dalbadeen in toddobaad la siiyo si ay dhinacooda usoo xaqiijiyaan arrintan.
dhinaca kale, Maareeyaha Xafiiska Xidhiidhka Mucaawimooyinka WFP ee Xukuumadda Somaliland Yuusuf Cismaan Garas ayaa soo saaray Wareegto uu Hay’addaha Deeqaha bixiya iyo kuwa Xukuumiga ku farayo inay dalabka Mashaariicda, codsashada iyo bixinta Mashaariicda Hay’adda WFP si sharciga dawladda waafaqsan u maraan, isla markaana aanay WFP bixin Karin mashruuc aan ogolaanshiyo ka haysan Hay’adda Dawladda u qaabilsan xidhidhinka Mashaariicda ay fuliso.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.