Skip to main content

daawo sawirada xilwareejintii maanta ee raysal wasaaraha cusub ee soomaaliya

Baki news --- muqdisho Munaasabad balaaran oo xilka kula kala wareegayeen Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr Abdiwelli Shekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa lagu qabtay Xafiiska Ra’iisul Wasaraha, waxaana kasoo qayb galay Munaasabada Xil Wareejinta Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shekh Maxamuud iyo xubnaha golihii hore ee Wasiirada Xukuumadii Shirdoon Marti sharaf iyo dadwayne kale.


Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo Khudbad ka jeediyay furitaanka Xaflada ayaa sheegay mudadii 15ka bilood ee Xafiiska uu joogay howlo badan oo Muhiim ah inuu soo qabtay isla markaana meel wanaagsan ay keeneen howlaha dowladda.

Shirdoon ayaa sheegay inuu aad ugu Faraxsanyahay Abdiwelli Shekh Axmed oo Saaxiibo ahaayen mudo ka badan 30 sano inuu Xafiiska kala wareego wuxuna geesta kale Mahad celin balaaran u jeediyay Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Teamkii la shaqeeyay mudadii uu Xafiiska joogay.

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Dr Abdiwelli Sheikh Ahmed oo isna hadal ka jeediyay Munaasabada ayaa ugu horayn Mahad celin u jeediyay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo siiyay Furasada uu ku noqday Ra’iisul Wasaaraha wuxuna geesta kale ammaan balaaran u jeediyay Ra’iisul Wasaarihii hore Mr Shirdoon.

Cabdiwelli Shekh Ahmed ayaa sheegay inuu wax badan ka qaban doono arimaha Siyaasada amniga iyo dhaqaalaha isla markaana ay Xukuumada uu soo dhisi doono howsha kasii wadi doonto halkii uu dhigay Mudane Shirdoon.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo isna dhankiisa hadal ka jeediyay Musaabadii xilka kula kala wareegayeen labada Masuul ayaa u mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Shirdoon, wuxuuna soo dhaweyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub Abdiwelli Shekh Ahmed, isagoona sheegay gacan inay ka siin doonaan Xukuumadda Cusub ee soo dhisi doono sidii ay ku noqon lahayd mid tayo leh.

Gabagabadii Munasabada ayaa waxaa lagu kala saxiixday Warqadihii shaqada, waxaana si rasmi ah loo shaaciyay maanta wixi ka danbeeya inuu Xafiiska si rasmi ah ula wareegay Ra’iisul Wasaare Cabdiwelli Sheekh Ahmed.













Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.