Skip to main content

Prof. Axmed I. Samater, Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, Kana Hadlay Wuxuu Somaliland U Soo Faa’ideeyay Mudadii Uu Maqnaa


(Baki news -Hargeysa) – Prof. Axmed Ismaaciil Samater, oo muddo shan bilood ah dalka ka maqnaa ka dib markii uu hore Somaliland u yimid bishii July ee sanadkan dhamaanaya, ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa oo uu dib ugu soo laabtay.

Prof. Axmed Ismaaciil Samater, oo lix bilood ka hor ka noqday Mabda’ii Soomaali-weyn ee uu hore u aaminsanaa, ayaa qolka Nashada ee Madaarka Hargeysa oo uu ka soo degay goor dhaweyd saxaafadda uga waramay waxyaabaha uu Somaliland u soo faa’ideeyay mudadii koobnayd ee uu maqnaa, maadaama oo uu hadda yahay muwaadin aaminsan gooni isu-taaga iyo Madax-banaanida Somaliland, waxaanu sheegay in mudadii shanka bilood ahayd ee uu maqnaa uu ku dedaalay inuu beesha caalamka gaadhsiiyo xaqiiqada Somaliland iyo waxa ay kaga duwan tahay Soomaaliya.

Prof. Axmed Ismaaciil Samater, oo ugu horeyn u mahad-celinaya masuuliyiintii soo dhaweeyay oo uu ka mid ahaa Wasiirka xidhiidhka golayaasha Somaliland, ayaa yidhi “Waxaan u Mahadnaqayaa Madaxda Xafiiska Madaxtooyada Somaliland ee na soo dhaweeyay, waxaanan salaamayaa dadka reer Somaliland, waxaanan leeyahay waynu is arki doonaa oo waynu is wareysan doonaa, Madaxda dalkana inaanu is wareysano oo isfahamkeenu sii gun-dheeraado ayaan rejaynayaa”

Prof. Samater, oo la waydiiyay waxa uu Somaliland u soo faa’ideeyay mudadii koobnayd ee uu ku maqnaa dalka Maraykanka oo uu deggan yahay, ayaa ku jawaabay “Waddan dhan horusocodkiisu waa dadka oo dhan, qof ama laba wax ay tari karaan way iska yar tahay, laakiin shantii bilood ee aan idinka maqnaa annigu waan dedaalay oo dhul badan ayaa ka hadlay, Telefiishanada Maraykanka waan ka hadlay, Madaxda Maraykanka qaarkood waan la hadlay oo arrinta Somaliland-baan ka hadlay, siday uga duwan tahay waddanka intiisa kale ayaan ka hadlay, waxay qabsadeen dadka Jamhuuriyaddan ku nooli, oo ay ugu yar tahay dadkii qoxootiga u baxay markii Hargeysa iyo Burco ay garaacayeen ciidamadii dawladdii (Siyaad Barre) ee ka baxsaday cadaawaddii halkan ka taagnayd ay dib ugu soo noqdeen dalkoodii oo dib u dejin dalkoodii loogu sameeyay, taasi weli kamay dhicin Koonfurta Soomaaliya, markaa waxyaabo badan oo u gooni ah dadka reer Somaliland, ama taariikhiyan ha noqoto ama siday maanta yihiin ayaan isku dayey inaan adduunyada gaadhsiiyo, wax badana aan ka qoro, in badana waad dhageysateen ayaan filayaa doodo badan, markaa is xil-qaanka aan is xilqaamay wuxuu noqday inaad safiir bilaash u noqdo Jamhuuriyadda Somaliland” ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray isaga oo ka jawaabaya su’aal uu Waydiiyey Wariye ka tirsan Bahda Somalilandtoday.com, oo ahayd inuu diyaar u yahay inuu qabto haddii Madaxwaynuhu xil u Magacaabo “Su’aashaa Madaxwaynaha ayaad weydiinaysaa”


Prof. Axmed Ismaaciil Samater, oo sidoo kale, la waydiiyay inuu hunguri kaga jiro inuu galo siyaasadda Somaliland, ayaa ku jawaabay sidan “Hunguriga ugu weyn ee I hayaa waan inaan ummadeydii iyo dadkaygii sii badsado (Barashooda)”ayuu yidhi.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.