Skip to main content

Maansadii Rufaad ee Abwaan dhinbiil


(Boorama Bakinews)
waxaan halkan ugu soo tabinayaa akhristayasha shabakada www.Bakinews.tk maanso la magac baxday Rufaad maansadana waxa curiyay abwaan mustafe dhinbiil

oo ka mida abwaanada da,da yar ee ku nool soomaaliland gaar ahaan gobolka awdal maansadan ayaa waxa uu abwaanku ka tiriyay mid ka mida warbaahinta madaxa banaan ee ka hawl gasha gudaha magalaada boorama maansadan ayaa waxa ay taabanaysaa dhinacyo badan hadaba akhriste bal akhriyoo jawabtana ka bixi maansadan rufaad ----------------------!!!!
dareenka bulshadu ay ka qabto RAYO TV BOORAMA  markaan arkay waxaan ka curiyay maanso aan ugu magac daray [RUUFAD] WAA SILSILAD ABWANNADA KALENA WAY U FURAN TAHAY si ay uga hadlaan wax bulshada ku mudan.
markaad tahay ruux
hanku riman yahay
markaad tahay ruux
runta ku adima
markaad tahay ruux
maanso ruugoo
dareen soo rido
reen madayside
waxan igu raran
bal aan rooshaan
ka rugsiiyoon
raarta soo dhigo
abbaar raad loo
lo,du ruqatoo
geelii rimanaa
raaf caduhu dilay
RAYOdii aan
u riyaaqaay
roobkii kaa da,ay
kuma raysane
raad caddii baad
rako gelisee
ruufad baad tahay
ruuxa aamina
ruuga jebisoo
rafaad mooyee
rafaad mooyee
raaxo lagu hayn
ruufad baad tahay
ruuxa aamina
uu ku riiqdoo
nolol uu rabay
raf ka gelisee
RAYO waadigan
adigoo rimay
dhicis soo riday
yaa ku roorsaday?
shacab rucub iyo
caleen kuu ruxay
guulna kula rabay
maanta raalida
kaala rooree
ma raq baad tahay
guri lagu rogay?
abwaan rukunloo
maanso ruugiyo
raxan wariyo ah
uma roonide
hanka reebaay
rubad jeceleey
meel rafacanoo
ruux tukaan lihi
ku rakaabtaay
ma raqbaad tahay
guri lagu rogay?
awr ragaadoo
raxan cunayoo
ruqday baad tahay
dameer raabuqay
rajo malahoo
kii rabayn jiray
dugaagga u reeb
bulshadiibaa kugu reentoo
raagi mayside
roob kalaa di,i
waananad raran tahay

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.