Skip to main content

War Deg Deg Ah Dhaqaatiir ajaaniib ah oo Goordhaw lagu laayay Duleedka Magaalada Muqdisho


Muqdisho Nuux kadiye: War goordhaw Hada soo dhacay  ayaa sheegaya in goordhaw Deegaanka Siinkan Dheer ee Duleedka Magaalada Muqdisho lagu laayay Dhaqaatiir isugu jirta Soomaali iyo Ajaaniib.


Weerar ay fuliyeen Dabley Hubeesan oon wali Heebtooda la garan waxaa ku dhintay ilaa Afar dhaqtar oo Sadax kamid ah ay yihiin Siiriyaan iyo Mid kale Soomaali ah kadib markii Rasaas ooda looga qaaday gaari ay saarnaayeen oo marayay halka loo yaqaan Siinka Dheer ee Duleedka Muqdisho.

Goob joogayaal kusugan Deegaanka lagu Weeraray Dhaqaatiirtan ka howlgaleysay Isbitaalka Fiqi ee kuyaala Isla Deegaanka lagu weeraray ee Siinka Dheer ayaa ku waramay in uu Goobta ka baxsaday Dhaqtar kale oo ajnabi ah sidoo kale dadka Weerarka ku dhintay uu ku jiro Darawalkii waday gaariga ay saarnaayeen dhaqaatiirta.

Kooxiii Weerarka Fuliyay ayaa goobta ka baxsaday waxaana hada kusugan goobtii weerarka uu ka dhacay Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya oo halkaasi kawada baaritaano lagu ogaanayo kooxihii Weerarka fuliyay iyo halka ay u baxsadeen.

Wali ma jirto cid sheegatay Masuuliyada Weerarkan lagu laayay Dhaqaatiirta Ajnabi iyo Soomaalida , waxaan sidoo kale la ogeyn sababta ka dambeysa in la weeraro lana dilo dhaqaatiir ku hoolan daaweynta dadka dhibaateesan.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.