Skip to main content

Labo bajaaj oo isku dhacay oo sababay dhaawacyo fudud


Bakinews:Isku dhac laba bajaaj ama  gadiidka tigta loo yaqaano ayaa maanta ka dhacay gudaha magaalada boorama labadan bajaaj ayaa waxa uu shilkoodu ka dhacay jidka wayn ee halbowlaha ah ee magaalada boorama ee loo yaqaano shide bile road

taasina waxa sabab u ah wadada oo aan hagaagsanayn iyo aanan ku filnayn gaadiidka qeybahaeeda kala duwan si kastaba ha ahaatee
Wadadan ayaa inta badan waxa isticmaala gadiidka xamuulka qaada iyo kuwa kale ee iyana loogu talo galay raaxada shilkan ka dhacay maanta magaalada boorama ayaa waxa uu sababay dhaawacyo fudud oo soo gaadhay qaar ka mida dadkii rakaabka haa ee fuushanaa mid ka mida labadaasi gaadhi ee maanta isku dhacay  . mudooyinkii ugu danbeeyay ayay gaadiiidkani ku soo badanayeen magaalada kuwaasi oo intooda badani ay wadaan dhalinyaro  aan aqoon buuxda u lahayn wadida gaadiidka kuwaasi oo inta badan geysta shilal noocyadoodu ay kala duwan yihiin
Isku soo wada duuboo maaha markii ugu horeysay ee ay labo bajaaj isku dhacaan balse kuwo kale oo badan oo intooda badan I ay qasare ka dhasheen ayaa ka dhacay gudaha magaalada boorama Isku soo wada duuboo maaha markii ugu horeysay ee ay labo bajaaj isku dhacaan balse kuwo kale oo badan oo intooda badan I ay qasare ka dhasheen ayaa ka dhacay gudaha magaalada boorama 

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.