Skip to main content

Dhismaha wadada isku xidha dila iyo boorama oo maraya meel wanagsan iyo laami la dhigay dhawr km daawo sawiro


Borama(Nuux kadiye) Hawlaha dhismaha jidka isku xidha Dila iyo Boorama oo ay gacanta ku hayaan hayada ASARDA ayaa meel wanaagsan oo gabo gabo ku dhaw maraya, maanta waxa laami la dhigay dhawr km oo jidkaasi ah, taasi oo ku dhawaynaysa jidkaasi dhamaad, waxana ay maanta wadadu Afka soo saartay magaalada Gorayacawl oo ay ku joogtay jidka laamiga ah ee ka taga magaalada Boorama.
Hawshan socota ayaa maanta waxa soo booqday Sh. Maxamed Shiine oo ka mid ah culimadad waawayn ee Soomaaliyeed, waxana markii uu halkaasi tagay wehelinayay, Sheekhul baladka Boorama, odayshaqameedyo, xubnaha hayada ASARDA oo aan kala hadhin iyo suxufiyiin.

Gudoomiyaha Hayada ASARDA Md. Cabdilaahi Xaaji Ciise oo warbixin ka bixiyay jidka iyo meesha uu marayo ayaa yidhi “Shaqadii jidku waa gabagabo, hadii Eebe idmo waxa inooga dhiman jidka dila iyo boorama isku xidha 1km oo ay noo qorshaysan tahay inaan bilawno todobaadka dambe, waxa aan wadnaa hawshaas aadka u balaadhan, waxana aan hadii aaan ASARDA nahay qaadanay inaan ku shaqayno halhayska ah hadal yar iyo hawl badan, waxana aan balan qaadaynaa inaan dhamayno jidkaas hadii Eebe Idmo.
Sh. Maxamed Shiine oo isaguna halkaasi ka hadlay, kana jeediyay hadalo dhiiri galin u badan ayaa waxa uu yidhi “Eebe ayaa mahadleh, noo suura galiyay in dadka gobolkan Awdal ay dhistaan jidkan isku xidha Dila iyo Boorama ee ay midada dheer ku taamayeen, waxa kale oo mahad leh xukuumada, hayada ASARDA iyo dhamaan dadkii ka qayb qaatay dhismaha jidkaasi”
Sh. Maxamed waxa uu la hadlay qurbojoogta gobolka Awdal waxana uu yidhi “sida la sheegay jidkan waa gabogabo, waxana dhiman jidkii waynaa ee isku xidhayay Boorama iyo Lawyacado, waa meeshaas meesha looga baahan yahay in loo hinqado, waa jidkaas jidka u baahan in la isugu tago oo la sii amba qaado lagana midho dhaliyo, waajidkaas jidka soo afjaraja tusaalaha wanaagsan ee waxqabadka ah ee dadka goboladan oo ay qayb ka yihiin qiurbojoogu laga bartay, waxa aan ku arkay wadadan maanta wax lagu farxo, waxa ay ahayd meel dhib badan dadka ku haysay, waxana ay maanta tahay meel cidwalba oo qurbojoog ah oo aragta ay ku farxayso, wadadu waxa ay ka mid tahay meelaha ay diintu amaantay mansabka sarena dhigtay ee la sheegay in laga wada qayb qaato, sidoo kale waxa aan u sheegayaa dhamaan dadka dalka gudahiisa inay ka qayb qaataan dhismaha jidkaasi isku xidhkiisa”
Xaaji Muumin Jaamac Samaale oo ka mid ah masuuliyiinta hayada ASARADA oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in jidku uu gabogabo yahay loona baahan yahay in la soo celiyo iskaashigii lagu taabagaliyay dhiska jidkan, waxa aan sheegayaa in ay maanta beenoowday waxii la odhan jiray jid shicib ma dhisaan, maantana way dhisantay oo xukuumaduna way taageertay, sidaasi aawadeed dal iyo dibadaba waan taageeraynaa oo aan soo dhawaynaynaa dhismaha jidkaasi”
Wadadii ka soo bilaabatay Dila dhinacna ka timid Boorama, maanta way isku xidhmaysaa, waana guul, wadadaasi waa wado tayo leh oo aad u wanaagsan, waxana ay hayada ASARDA dadaal u gashay in la dhiso wadadan, waxana maanta guul ah in Awdal ay ku hamido isku xidhka jidadka oo ay ka tanaasulaan dhismihii jidadka caratuulka ah ee la dhisi jiray, xukuumadana waxa soo jiitay waa waxqabadka dadka, waxana aan sheegayaa in wadada ay goolado badan leedahay, waxana aan u samayn doonaa calamadihii oo dhan oo aan ku jirno dhisahoodii, waxa ay wadadu u weecweecanaysaana waajidka oo aan la doonahay meelaha adayga ah, sidoo kalena dadkeena oo qoodiqoodi kaliya qota waan u quudhi waynay inaan kala goyno, waxana aan u samaynay meelaha gooladaha ah qaabdhismeed fiican oo la isku halayn karo.
Ismaaciil cabdi Riiraash oo ka mid ah masuuliyiinta hayada ASARDA oo isaguna halkaasi ka hadalay ayaa waxa uu yidhi “Wadadan dhismaheeda meel hoose ayaa laga soo bilaabay, maantana waa gabogabo, waxa ka qayb qaatay dhamaan dadka reer Somaliland meelkasta oo uu joogo, waxana aan sheegayaa inay tani ku tusayso sida ay hayada ASARDA isku xilqaantay, shilinwalba oo loo soo dirayna u galisay wadada, waxa jidkan ka muuqata is aaminaad inuu ku dhismay, waxanse sheegayaa in hawl balaadhan oo dhinaca jidka ahi ay dhiman tahay, waanan ku dardaarmaynaa oo waxa aan sii sheegaynaa in jidkii galbeedka ee ilaa xadka Djibouti isku xidhayay aan u hinqan doono, loona baahan yahay in laga wada qayb qaato oo dal dibad iyo dhamaan umada Islaamka ah oo dhanba ay ka soo qayb qaataan.

DSC05251
DSC05250
DSC05248
DSC05247
DSC05246
DSC05245
DSC05244
DSC05242
DSC05241
DSC05236
DSC05234
DSC05233
DSC05230
DSC05229
DSC05227
DSC05221
DSC05218
DSC05215
DSC05211
DSC05209
DSC05206
DSC05204
DSC05203
DSC05202
DSC05201
DSC05200
DSC05198
DSC05197
DSC05195
DSC05192
DSC05178
DSC05177
DSC05174
DSC05168
DSC05167
DSC05166
DSC05162
DSC05156
DSC05152
DSC05151
DSC05149
DSC05147
DSC05146
DSC05145
DSC05143
DSC05142
DSC05139

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g