Skip to main content

Qoraalka rasmiga ah ee Golaha Wakiiladdu kaga jawaab celiyey Dacwadii Maxkamadda sare

Hargeysa(bakinews) Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ayaa qoraal rasmi ah ugu jawaab celiyey Dacwad uu guddoomiyaha Maxkamadda Sare ku soo Oogay isku-shaandhayntii Guddid hoosaadyada Golaha wakiilada, taasoo ay u gudbiyeen labada Ku-xigeen ee Golahaasi.
iftiimin sharciNuqul ka mid ah qoraalka jawaab celinta ah oo lagu baahiyey Mareegta Golaha Wakiiladda
Somalilandhttp://www.somalilandparliament.net ayaa u dhignayd sidan:-
Ku: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare
Ujeeddo jawaab Celin
Mudanayaal,
Waxa halkan idinku soo gudbinayaa taladii la taliyaha sharci ee Golaha Wakiiladda JSL eek u saabsanayd warqada Maxkamadda Sare ee sumadeedu ahayd MS/GMS/G-7/282/2013, kuna taariikhaysnayd 21/12/2013 iyo Go’aankii Maxkamadda dastuuriga ah ee sumadiisu tahay MS/GMS/G-7/282/2013,kuna taariikhaysnayd 21/12/2013.
Mudane Guddoomiye, idinka oo Iftiiminta sharci ka arki doona talada la-taliyaha sharci ee Golaha Wakiiladda, waxaa la idinka rajaynayaa in aad dhawrtaan kala madax banaanida Waaxyaha Qaranka ee Dastuurku tilmaamay.
C/raxmaan Maxamed C/laahi Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda.

IFTIIMIN SHARCI: GO’AANKII MAXKAMADA DASTUURIGA IYOQORAALKII MAXKAMADA SARE
“Xilka shaqo ee Xeerdejintu wuxuu leeyahay xasaanadda guddashada waajibkiisa. Gudashada xilkaas Qarana waa mid aanay faro gelin Karin Waaxda Garsoorku”
       I.            HORDHAC
Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu isagoo gudanaaya waajibaadka Dastuuriga ee ku cad Qodobka 53aad ee Dastuurka iyo Qodobka 14aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Wakiilada oo tilmaamaya Xilka Gudoomiyaha Golaha ee fulinta iyo ku-dhaqanka Xeer-hoosaadka, ilaalinta nidaamka Golaha iyo habsami u socodka hawlaha Golaha oo dhan” isagoo Qodobkaa ka duulaya wuxuu ii soo gudbiyay Go’aan iyo Qoraal ka yimid Maxkamada Sare iyo Maxkamada Dastuuriga JSL ee hoos ku xusan si aan uga soo bixiyo TALO SHARCI ugana guto xilka iyo masuuliyada La Taliyaha Sharciga Golaha ee uu tilmaamay Qodobka 52aad ee Dastuurku.
       I.            TILMAAMID IYO IFTIIMIN SHARCI
Sida uu dhigayo Qodobka 37aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo tilmaan cad ka bixiyay Qaab-dhismeedka Qaranka oo ku dhisan Kala Madaxbanaanida Waaxaha Qaranka(Separation of Powers) waxaanu u dhigan yahay sidan:
Dhismaha Qaranku wuxuu ka kooban yahay saddex waaxood oo kala ah: Xeer­dejinta, Fulinta iyo Garsoorka. Kala xadaynta awoodaha saddexda waaxood waxay noqon doonaan sida uu    Dastuurku dhigayo.  Waax waliba awoodda Dastuurku u gaar yeelay way u madax bannaan  tahay.
Hadaynu si cad u iftiiminimo Dastuurka Qodobkiisan 37aadWaaxaha Qaranku waa Sadex (Xeer-dejinta, Garsoorka iyo Fulinta) waxaanay leeyihiin awoodo siman oo kala madaxbanaan kuna salaysan Dastuurka Jsl.
jawaab celinGolaha Wakiiladu isagoo gudanaya waajibaadkiisa, ixtiraamayana Saldhiga iyo Saraynta Dastuurka ee uu xusay Qodobka 128aadislamarkaana ilaalinaya Haybadda iyo Awoodaha Waaxda Garsoorka ee uu Dastuurku u gaar yeelay Qodobadiisa 97aad, 98aad, 99aad, 100aad, 101aad iyo 102aad wuxuu Golaha Wakiiladu u iftiiminayaa Waaxda Garsoorka iyo Ummadda uu wakiilka ka yahayba arrimahan Sharci ee soo socda:
1. In Qoraalkii rasmiga ahaa ee ka soo baxay Maxkamada Sare ee uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Maxkamada Saretixraaceeduna ahaa MS/GMS/G-7/282/2013 ee ku taariikhaysnaa21/12/2013ka nuqul ka mid ahna uu soo gaadhay 22/12/2013kaAqalka Golaha Wakiilada ujeedadiisuna ahayd Gudbin Nuqul Dacwad iyo Keenid Jawaab Celin isla markaana ka hadlayay dacwad ka dhan ah Go’aankii isku Shaandhaynta Guddiyada Golaha Wakiilada ee ay u soo gudbiyeen labada Gudoomiye ku xigeen ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Mohamed Farah Guddoomiye ku xigeenka 1aad iyo Dr Ali Yusuf Ahmed Guddoomiye ku xigeenka 2aad. Sida kor ku xusan, Qoraalkaasi oo tixraaciisu ahaa MS/GMS/G-7/282/2013 wuxuu si cad u baalmarsan yahay Qodobka 49aad ee Dastuurka oo tilmaamaya Dhawrsanaanta Xubinta Golaha Wakiilada una dhigan sidan:-
Ma bannaana in laga qaado xubinta Golaha Wakiilada tallaabo baadhitaan ama waraysi ama qabasho ama xidhitaan ama tallaabo kale oo ciqaab la xidhiidha iyada oo oggolaansho looga helo Golaha Wakiilada mooyaane.
Þ Isla Qodobka 22aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Wakiiladu wuxuu ku nuuxnuuxsanayaa Xilka Guddida Joogtada Ah faqradiisa 5aad waxay leedayahay “Guddida Joogtadu waxay u xilsaaran yihiin wixii ka yimaada isqabad Iyo tarjumada Xeer-hoosaadka iyaga oo la tashanaya La-taliyaha sharciga ee Golaha”. Isla Qodobkan 22aad ee Xeerhoosaadka Faqradiisa 3aad waxay waajib ka dhigaysaa tilmaamaysaana isagoo u dhigan sidan “Guddiga Joogtadu wuxuu awood u leeyahay muddada jiritaanka Golaha in uu soo jeediyo wax ka beddelka ama wax ku kor-dhinta xeer-hoosaadka Golaha iyo fasiraadda qodobbada Xeer-hoosaadka”
Qoraalkani wuxuu u Iftiiminayaa MAXKAMADA SARE ee soo saartay warqada nuxurkeedu ahaa Gudbin Nuqul Dacwad iyo Jawaab Celin oo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada lagu FARAYOjawaab celin dacwad wuxuu si cad u khilaafayaa Awooda Maxkamada Sare ee ay u xilsaaran tahay waxuu ku xusan yahay Waaxda Garsoorka Qodobkiisa 97aad faqradiisa 2aad ee Dastuurka oo odhanaysa:-
Waaxda Garsoorku waxay hawlaheeda u fulinaysaa si Dastuurka Waafaqsan, iyada oo ka madax-bannaan waaxyaha kale ee Qaranka”
Isla Qodobka 10aad Faqradiisa 3aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorku (Lr 24/2003) wuxuu maxkamada u qeexayaa islamarkaana u xadaynayaa awoodeeda isagoo u dhiganMaxkamada Sare waxa ay awood u leedahay:-
a) Go’aan ka gaadhida cabashooyinka laga keeno doorashooyinka
b) Go’aan ka gaadhida khilaafyada dhexmara qaybaha garsoorka ee ku saabsan awooda dhagaysiga dacwadaha
c) Go’aan ka gaadhida dacwadaha laga keeno goaamada dhamaadka ee maamulka dawlada
d) Dhagaysiga iyo Go’aan ka gaadhida cabashooyinka laga keeno maxkamadaha gobolada ee ku saabsan kuraasida golayaasha deegaanka
e) In ay dib u eegto xukamadeeda marka la helo shuruudaha ku xusan Qodobka 266 ee Xeerka Habka Madaniga ah iyo Qodobka 238 ee Habka Ciqaabta
f) Maxkamada Sare Goaankeeda ku saabsan cabashada iyo dacwadaha laga keeno doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, Doorashada Baarlamaanka iyo Golayaasha Deegaamada.
Hadaad Faqradaha Qodobkan dib u jaleecdo meelna kagama taal Ka-Garnaqista Hawlaha Shaqo ee Xeerdejinta.
Qodobka 79aad ee Dastuurku Faq.1aad ayaa meesha ka saaraya si cadna u qeexaysa inaan Xubnaha Golayaasha (Wakiilada iyo Guurtida) hadaan dambi ciqaabeed wayn oo ciqaabtiisu 3 Sannadood gaadho aanay faraha kula jirin (flagrante de licto) lama hor geyn karo maxkamad, loomana gudbin karo xabsi, ilaa xubinta ama xubnaha laga xayuubiyo dhawr-sanaanta xilka ay ummadda u hayaan.
ANIGOO KA DUULAYA QODOBADA AAN SARE KU XUSAY ee 49aad, 79aad iyo 97aad ee Dastuurka iyo Qodobka 10aad Faq. 3aad eeXeerka Nidaamka Garsoorka (Lr 24/2003) iyo waliba Qodobka 22aad Faqradihiisa 3aad iyo 5aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Wakiilada Warqadda ka timid Maxkamada Sare ee Sumadeedu tahay MS/GMS/G-7/282/2013 ee ka soo baxday Maxkamada Sare taariikhduna markay ahayd 21/12/2013ka WAXAY BAALMARSAN TAHAY AWOODA MAXKAMADA (Jurisdiction of the Court) oo aanay meelna kaga xusnayn Fara Galinta iyo Ka Garnaqista hawlaha Shaqo ee Golaha Wakiilada u Gaarka ah waxaanay warqadaasi ku sifowday waxba kama jiraan (null an void) maadaama ay khilaafsan tahay Dastuurka, Xeerka Nidaamka Garsoorka (24/2003) iyo Xeerhoosaadka Golaha Wakiilada mana laha dhaqan gelin sharci.
2. Go’aankan ay soo saartay Maxkamada Dastuuriga ah ee tixraaciisu yahay MS/GMS/G-7/281/2013 ee ku taariikhaysan21/12/2013ku uu kuna saxeexnaa Guddoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf Ismaacil Cali iyo 4 Xubnood Garsoorayaal Maxkamada Sare ka tirsan wuxuu KHILAAFSAN YAHAY Qodobka 38aad ee Dastuurka oo odhanaya Awoodda Xeer-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay gaar ku tahay Baarlamaanka oo ka kooban laba Gole oo kala ah Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida. xilka xeer-dejintu uma  wareegi karo cid ka baxsan Baarlamaanka.”
Þ Go’aankan ay soo saartay Maxkamada Dastuuriga ah ee tixraaciisu yahay MS/GMS/G-7/281/2013 wuxuu si cad u baalmaray SHARCINIMADA XEER-HOOSAADKA Golaha ulana dhaqmay xeer aan Jirin. Xeerhoosaadku wuxuu ka soo dheegmay Qodobka 46 aad Faqradiisa 3aad ee dastuurka oo si cad u jidaynaysay Xeer-Hoosaadka Golaha Wakiilada una dhigan sidan:
“Kalfadhiga ugu horeeya waxa golaha wakiiladu ku ansixinayaaXeer-hoosaadkiisa waxaanu ku dhisanayaa Gudi Hoosaadyo inta uu u baahdo” wixii muran ah ee ka soo dhex baxa golaha waxa lagu maamulayaa xeerhoosaadkiisa.
Þ Adeegsiga Qodobka 15aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorku (Lr 34/2003) u adeegsatay Maxkamada Dastuuriga ahi Go’aankan tixraaciisu yahay MS/GMS/G-7/281/2013 wuxuu ahaa mid khaldan waxaanu Qoraalkani U Iftiiminayaa Maxkamada Qodobkan 15aad isagoo si cad ugu xardhan faqrada 10aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka una qoran sidan:
“Maxkamada Dastuuriga ah waxa ay si ku meel gaadh ah u laalaysaa ku dhaqanka xeerka ama qodobka DASTUURNIMADIISA la duray”
Hadaba, Qodabkan 15aad Faq. 10aad ee ay u adeegsadeen Maxkamada Dastuurigu Go’aankan hakinta go’aanka Isku Shaandhaynta Gudiyada Golaha waa si khaldan u adeegsimaxaa yeelay arrintan uu goaanku ka hadlayaa (Factual Matter) maaha hawsha loo adeegsanayo. Waayo, arinta uu ka hadlayaa waa Qodobada Dastuurka ama Xeerarka kale (Statute) ee dhaliya ama la fahmi waayo macnihiisa ama dastuurnimadiisa la duro isla markaana keena muran sharci ayay maxkamadu awood u leedahay inay Fasirto iyadoo raacaysa nuxurka doodii ka dhalatay xeerkan ama qodobkan Dastuurka markii ay Xeer Dejintu samaynaysay ka dibna awoodoodu waa inay fasiraan (cadeeyaan) macnaha sharci.
Dacwadda ay Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Mudane Baashe Mohamed Farah iyo Dr Ali Yusuf Ahmed u gudbiyeen 19/12/2013 Maxkamada Dastuuriga sida ka muuqata nuqulka lifaaqa uu Guddoomiyaha Maxkamada Sare u soo gudbiyay Golaha Wakiilada in ay ku salaysnayd oo kaliya Go’aankii isku shaandhaynta guddiyada ee Tixraaciisu ahaa GW/G/04/152/2013 kuna taariikhaynaa 06/11/2013.
Go’aankaas isku shaandhaynta guddiyadu wuxuu si rasmi ah uga soo baxay 06/11/2013ka Shirgudoonka Golaha Wakiilada oo ay si talo wadaag ah u soo wada saareen Shirgudoonku uu kuna saxeexnaa Guddoomiyuhu goobjoogna ay ahaayeen wakhtigaas (Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mud. C/rahman Mohamed (Ciro) iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Dr Ali Yusuf Ahmed) Go’aankaas wuxuu ku qotomay Qodobka 18aad Faqradiisa 1aad,Faq. 2aad iyo Faq. 4aad Qodobka 21aad & 22aad ee Xeer-hoosaadka Golaha iyo Goaankii Golaha ee fadhigii xidhnaa ee mudada sadexda cisho ka socday golaha.
Go’aankii Isku Shaandhaynta Gudiyada Golaha ee 06/011/2013waxaa Ansaxnimadiisa iyo Sharcinimadiisa si buuxda u taageeray Goaankii Aqlabiyada (eeg lifaaqa) Mudanayaasha Golaha ee 21/12/2013 Tixraaciisuna ahaa GW/G/KF-23/622/2013OO AY COD AQLABIYADD AH (47 Mudane) oo Gacan taag ah ku ansixiyeen Goaankii isku Shaandhaynta iyo Guddida Joogtada Ah ee Golaha Wakiilada oo uu xeerhoosaadka qodobkiisa 22aad sheegayo “Guddida joogtada ah waxa soo magacaabaya shir-guddoonka Goluhuna wuxuu ku ansixinayaa cod hal-dheeri ah (aqlabiyad fudud)” Iyo waliba wareegtadii guddoomiyuhu ee ku taariikhaysnayd 21/12/2013ka ee tixraaceedu GW/G/04/215/2013ee uu Gudoomiyuhu ku dhaqan galiyay is doorashada Guddoomiyeyaasha Guddi Hoosaadyada Golaha Wakiilada. (Ka eeg Lifaaqa)
ANIGOO KA DUULAYA QODABADA SARE KU XUSAN
Go’aankan ay soo saartay Maxkamada Dastuuriga ah ee tixraaciisu ahaa MS/GMS/G-7/281/2013 ee ku taariikhaysnaa21/12/2013-ku ee uu nuxurkiisu ahaa Hakin Ku Dhaqan Go’aan Lam GW/G/04/152/2013 WUXUU SI CAD U JABIYAY UNA BAALMARAY QODOBKA 37aad ee Dastuurka oo ka hadlaya Dhismaha Waaxaha Qaranka, Qodobka 53aad ee Dastuurka Awooda iyo Waajibaadka Golaha Wakiilada iyo Xeer-hoosaadka Qodobadiisa 3aad, 14aad, 18aad, 21aad, 22aad iyo aqlabiyadii kalsoonida Go’aankii Goleweynaha ee 21/12/2013 Tixraaciisuna ahaa GW/G/KF-23/622/2013 ee ku taariikhaysnaa 22/12/2013 ee ay mudanayaashu ku meelmariyeen sharcinimada (Legitimate) iyo ansaxnimada (Validity) Go’aankii Isku Shaandhaynta Guddiyada Golaha kuna Ansixiyeen Guddida Joogtada Ah.
MA JIRTO CID AMA HAY’ADD BURIN KARTA GO’AAN GOLE WAXA KALIYA OO TIRTIRI KARA AMA BURIN KARA GO’AAN KALE OO GOLUHU UGU CODEEYO AQLABIYAD BURINAYSA GO’AANKAAS HORE MOOYAANE.
       I.            GABA-GABO
Ugub maaha in arrimaha Golaha Wakiilada ama Golaha Guurtida dhexdooda ah laysku qabto waxa lagu xalinayay nidaamka shaqada ee Barlamaanada (Parliamentary Procedure and Practice) oo ah in GUDDIDA JOOGTADA IYO ANSHAXU KA GAR NAQDO AMA FASIRTO HADII QODOBO LAYSKU HAYSTO, DHAGAYSATO KANA BAARAANDAGTO, KA DIBNA XALISO KHILAAF KASTA OO YIMAADA GOLAHA DHEXDIISA.
Markaa Haddii ay jirto cabasho iyadoo la ixtiraamayo awoodaha iyo karaamada xeerdejinta waa in loo maraa Habka Xil-Gudasha iyo Xalinta Khilaafka ee Xeer Dejinta (World Parliamentary Procedure and Practice).

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g