Skip to main content

Jaadka Miirooga Oo Maalinle U Yimaadda Ceerigaabo Iyo Xukuumadda Oo Mooggan Cashuurta Kaga Maqan+Isticmaalka Lacagtii Shilin Soomaaliga oo markale dib uga curtay.

Ceerigaabo (Nuux kadiye) Maandooriyaha Jaadka loo yaqaanno Miiroo ayaa muddooyinkan ugu danbeeya wuxu si maalinle ah isagoo ay sidaan gaadiid u gaar ahi wuxu soo gelayaa magaalada Ceerigaabo. Kaasoo aan sidan oo kale hore looga baran inuu u yimaaddo gudaha magaalada Ceerigaabo haseyeeshee xilliyada qaarkood lagu arki jirey degaannada Sanaag-bari ee gobolka Sanaag
Qiimaha Jaadkan oo ah mid aad u sarreeya oo xidhinka loo yaqaanno Farta uu marayo lacag u dhiganta US$ 20 (Labaatan Doollar). Iyadoo weliba Jaadkan lagu iibiyo lacagtii cadcadka waraaqaha shilinka Soomaaliya ee isticmaalkeeda hore looga joojiyey ceerigaabo xukuumadduna xilligaas u beddeshey dadka wixii haystey lacagtan cadcadka shilinka Soomaaliya taasoo u muuqata in isticmaalka lacagtan mar kale jaadkani dib ugu soo nooleeyey magaalada Ceerigaabo.

Dhinaca kalena Jaadkan ayaa si cashuur la’aan ah wuxu kusoo gala gudaha magaalada Ceerigaabo taasoo u muuqata inay xukuumadda kaga baaqato dakhli badan oo ay ka heli lahayd cashuurta Jaadkan balse mas’uuliyiinta ku shaqada lihi mooggan yihiiin.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.