Skip to main content

Taliyaha Cusub Ee Ciidamada AMISOM Oo Xilka La Wareegay kadib Munaasabad ka dhacday Xalane




Nuux kadiye------Muqdisho ------Munaasabad ay xilalka ku kala waregayeen Taliyihii hore ee ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo kan cusub ayna ka qeyb galeen mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiirada difaaca dalalka Soomaaliya iyo Brundi, Saraakiisha
AMISOM qeybahooda kala duwan, madax ka socotay Midowga Yurub, Safiiro iyo marti sharaf kale ayaa maanta lagu qabtay xarunta xalane ee magaaladda Muqdisho.

Goobta munaasbadda ay ka dhacday ayaa ka qeyb galayaasha waxa ay kasoo jeediyeen qudbado la xiriiray wax qabadka Taliskii hore ee AMISOM iyo sida ay uga qeyb qaateen sugida amniga dalka, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen dib ula wareegid qaar ka mid ah gobollada dalka oo ay horey ugu sugnaayeen kooxda Al shabaab.

Taliyihii hore ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM Jeneraal Andrew Gutti ayaa sheegay in mudada uu xilka hayay waxyaabo badan ay ka qabten arrimaha amniga dalka islamarkaana gaba gabo uu marayo howlgalka lagu cirib tirayo kooxaha argagaxisada ah ee Al shabaab ee ku dhuumaaleysanayay deegaano yar oo ka tirsan gobollada dalka

Taliyaha cusub ee ciidanka Amisom ee maanta xilka la wareegay Jeneraal Silas Ntigurirwa ayaa u mahadceliyay Taliyihii hore iyo howsha uu ka qabtay nabad kusoo celinta dalka, isagoo xusay in dhankiisa uu halkaasi ka sii wadi doono si loo soo afjaro howlgalka ka dhanka ah kooxda xagjirka ah ee Al shabaab.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Maxamed Salax Annadif ayaa ku ammaanay Taliyhii hore ee ciidamda AMISOM howshii uu hayay, isagoo taliyaha cusub ku booriyay in uu sii dar dar geliyo howsha AMISOM ay Soomaaliya ka heyso, ayna la shaqeeyaan saraakiisha kale ee ciidamada AMISOM ka tirsan.

Wakiilka Xogahayha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Neckolas Kay ayaa sheegay in howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya uu u horseeday dalka in wadadii nabada uu cagta saaro, loona baahanyahay in la sii labo jibaaro howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa u mahad celiyay ciidamada AMISOM howsha ay ka hayaan dalka, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed iyo dowladuba ay abaal weyn u hayaan gurmadka ciidamada AMISOM ay ka geystaan dalka

“Runtii taariikhda ayaa xusi doonta AMISOM howlaha muhiimka ee ay dalka ka wadaan, anaguna waan soo dhaweyneynaa taliyaha cusub ee maanta xilka la wareegay, diyaar ayaanna u nahay in aan la shaqeeno” ayuu Wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya hadalkiisa ku daray.

Waa taliyihii afaraad ee loo magacaabo howlgalka AMISOM tan iyo markii ay dalka yimaadeen ciidamada AMISOM sanadkii 2007, waxaana taliyahan cusub uu noqonayaa kii ugu horeeyay oo u dhashay dalka Burundi oo qabta xilka AMISOM ee Soomaaliya.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.