Skip to main content

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo Dawladda Faransiiska oo ku dul shiraya Markab Badda Cas taagan

Hargeysa(Nuux kadiye) Madaxweyne ku-xigeenka SomalilandbreC/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici oo ay weheliyaan masuuliyiinta Gobolka Saaxil ayaa kula shiraya Dawladda Faransiiska Markab weyn oo saaka ka shiraacday Duleedka Dekedda Berbera.

Lana oga ujeedada shirka u dhaxeeya Dawladda Faransiiska iyo Somaliland, hase yeeshee sida ay waaheen ku heshay ilo wareedyo xogogaal ah waxa manta magaaladda Berbera laga dareemayey diyaarado kuwa dagaalka ah oo ilaalinya Markabka Faransiiska.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa sida ay wararku sheegayaan waxa ku wehelinaya gudaha Markabka saraakiil ay ka mid yihiin Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha, Maareeyaha Dekedda Berbera Eng: Cali Xoor xoor, Maayarka C/shakuur Cidin iyo masuuliyiinta Gobolka, laakiin lama oga dhinaca Faransiiska cida saran Markabka.
Ilo wareedka Waaheen warka siiyey waxa ay sheegeen in ay Markabka markii uu fuulay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland uu u shiraacday dhinaca Badweynta gaar ahaana waxa la sheegayaa deegaanka Karin in ay ku sugnaayeen halkaas oo la filayo illaa afarta galabnimo in ay ku sugnaan doonaan.
Dawladad faransiiska ayaa aad u danaysa Somaliland, waxaanay la leedahay xidhiidh joogto ah iyadoo hawlgalo ka samaysay Aasaarta Taariikhiga ah, Arrimaha dhinaca la dagaalanka Argagixisada iyo budh-cad badeeda, waxaana lagu wadaa kulanka socda in ay arrimahaasi ka mid yihiin.
Dhinaca kale, waxa maalmahan soo baxayey in Shirkadd Faransiis ahi ay danaynayso in ay la wreegto maamulka Dekedda Berbera, iyadoo ay soo baxayaan warar is-khilaafsan oo midkood sheegayo in ay Qaybo ka mid ah Xukuumaddu taageersan yihiin in lagu wareejiyo, halka kuwo kalena ay ka soo horjeedaan.
Arrinta maamulka Dekedda Berbera ee ay shirkadda Faransiiska ahi doonayso ayaa la sheegayaa in Xukuumaddu si weyn ugu kala jabtay, illaa hadana ma jiro war rasmi ah oo ay ka soo saareen arrintaas, iyadoo ay dhawr jeer soo noq noqdeen saraakiisha Shirkadda Blore oo maamusha dekeddo ku yaala Qaarada Afrika

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.