Skip to main content

“Wasiirrada Qaarkood Waxay Dalbadeen In Ay Shaqada Ka Tagaan, Qaarna Anigaa Xilka Ka Qaaday Ka Dib Markii…” Recep Tayyip Edogan

(BAKINEWS) Raysal-wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay inuu xilka ka qaaday Wasiirro Xukuumaddiisa ka tirsan, isla markaana sheegay inay xubno Wasiirrada ka tirsani codsadeen inay shaqada ka tagaan, kuwo kalena uu isagu u eryey eedo musuqmaasuq oo ay galeen.


Raysal-wasaaraha dalka Turkiga Erdogan,ayaa toban ka mid ah golihiisa wasiirada xilka qaadis ku sameeyay. “Qaar ka tirsanaa Wasiirradu iyagaa codsaday inay xilka ka degaan, waxaana laga yaabaa inay isu soo taagaan doorashooyinka, qaarna hore ayey isku casileen, qaarna kalena anigaa xilka ka qaaday…”ayuu yidhi. Erdogan oo shalay  shir jaraa’id ku shaaciyey isku shaandheynta xukuummaddiisa.



Arrintan ayaa kusoo beegmaysa maalin kadib markii 3 wasiir oo xukuumada ka tirsanaa xilka iska casileen, kadib fadeexada la xidhiidha  musuq maasuqa mashaariicda dhismaha ee wadankaasi. Waxaana kamid ahaa wasiirada iscasilay Wasiirka Arrimaha Guddaha, Wasiirka Bey’ada iyo Ganacsiga.




Ciidamada Booliiska ayaa xabsiga dhigay qaar ka mid ah ganacsatada xidhiidhka  dhaw la leh Xukuumada Erdogan oo ay ku jiraan Maareyayaasha Bangiyada hoosyimaadda dowladda oo lagu eedeeyey lunsasho lacageed, waxaana mid ah Maareyeyaashaasi laga soo saaray gurigiisa lacag gaadheysa 4.5 Milyan oo Doollar

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.