Skip to main content

Madaxweyne Siilaanyo iyo C/raxmaan Cirro oo maanta Qasriga Madaxtooyadda la isugu geeyey

Hargeysa(Nuux kadiye) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta Qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani, isla markaana ahaa Af-hayeenka wadahadalada khilaafka dooda Qaran ee Mucaaradka iyo Xukuumadda.

cirroKulanka Madaxweyne Siilaanyo iyo C/raxmaan Cirro waxa maalmahanba ka Odayaynayey Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan iyo X  Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe) waxaana dood iyo falanqayn dheer oo ay banaanka kula soo yeesheen Cirro kadib maanta suurtogashay in ay u kaxeeyaan dhinaca Qasriga Madaxtooyadda.
Kulanka Madaxweyne Siilaanyo iyo C/raxmaan Cirro oo ahaa mid gaar ah wax war ah midkoodna kamuu soo saarin, hase yeeshee ilo wareedyo u dhuun daloolay ayaa Waaheen u sheegay in  xal laga gaadhay Doodii Qaran ee ay labada dhinac isku hayeen, waxaanay u muuqataa in la isku raacay in Akadamiyadda Nabada iyo Horumarka lagu wareejiyo oo ay dhex dhexaad ka noqoto dhinacyada oo dhamina ka wada qayb galaan.
Kulanka maanta waxa la sheegay qoddobka ugu xaasaasisanaa ee lagaga hadlay in uu ahaa qaabka uu guddoomiyaha Golaha Wakiiladda C/raxmaan Cirro ugu qoray Madaxweynaha taasoo uu ku diray magaca Golaha wakiiladda halkii ay ahayd in Axsaabta Mucaaradka ahi ay ka dalbadaan in uu cid u soo dirto Dooda Qaran, waxaana la sheegay in uu Cirro ka cudur daartay qaab qoraalka Warqadaasi oo uu qirtay in ay si qalad ah uga soo baxday.
Maadaama oo aanay labada dhinac war-murtiyeed ka soo saarin illaa hadda kulankooda iyow axa laga yeelayo Doodii Qaran lama garan karo waxa xigi doona iyo haddii la isku waafaqay qabsoomideeda goorta ay dhici doonto.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.