Skip to main content

Cirro oo banaanka dhigay labadiisii ku-xigeen iyo Golaha oo duuduub ku Ansixiyey Qorshayaashiisii

Hargeysa(Nuux kadiye) kal-fadhigii Golaha Wakiiladda oo maanta furmay ayaa lagu Ansixiyey breaking newsguddidii joogtada ahaa ee khilaafka ba’ani ka taagnaa taasoo ay cod gacan tag ah ku meel mariyeen 47 mudane, shan xildhibaan baa diiday, sadexna way ka aamuseen, guddoomiyuhuna muu coday, sidaasna waxa ku dhaqan gashay guddidii Guddoomiyuhu watay.

Fadhiga maanta oo la filayey in xiisadi ka dhalato ayaa si nabdoon ku dhamaaday kadib markii ay ka soo xaadairi waayeen labada guddoomiye ku-xigeen ee shirguddoonka Golahaas oo diidanaa Isku-shaandhayntii Guddoomiye Cirro sameeyey guddiyadda Golahaasi.
Xoghayaha guud ee Golaha Wakiiladda C/risaaq Siciid Ayaanle ayaa ka hor inta aan guddida joogtada ah la Ansixin golaha ka hor akhriyey warbixin sharciyeed oo uu la taliyaha sharci ee Golahaasi ka soo saaray Khilaafka shirguddoonka ka dhex taagnaa eek u saabsanaa sharciyadda guddiyada lagu kala bedelay, waxaanu go’aankiisu u dhacay in ay sharci yihiin nidaamka loo maray.
Dhinaca kale, waxa fadhiga maanta si duuduub ah loogu Ansixiyey Ajandaha kal-fadhigan oo cod la galiyey kadib markii la isku raacay.
Go’aamadan Goluhu saaka sida is-daba jooga ah u Ansixiyey waxa ay Guul u tahay Guddoomiye Cirro iyo Mucaaradka oo si weyn uga biyo diiday ficilo xildhibaano iyo Wasiiro Madaxtooyadda ka soo shiidaal qaadanayey ay ku doonayeen in ay xoog ku qabsadaan aqaar ka mid ah guddiyadda Golahaasi oo uu Cirro ku taxay Xildhibaano isku dhaf ah oo ka soo horjeeda nidaamka xukuumaddu dalka u wado oo ah sida uu Cirro hore ugu dooday inamo yar yar oo qal-qaali ah oo siyaasadda Dalka waalaya.
Xildhibaanada cirro sidaas ku tilmaamay ee uu maanta ka guulaystay siduu hore u sheegay ee dhexda Fart aka qaniinay waxa hogaaminayey Xildhibaan Cali Mareexaan iyo Nac Nac, halka Wasiiro uu ka mid yahay Maxamud Xaashi Cabdina dhinaca Xukuumadda ka soo taageerayeen.
Si kasta ha ahaatee Xildhibaan Cumar San-weyne iyo Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa saaka dur-duro ku helay kuraastii guddida joogtada ahaa ee Cali Mareexaan falka iyo waalida ku doonayey.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.