Skip to main content

SULDAAN AADAN X. FAARAX CUMAR OO XUKUMADA SIILAANYO KU CANAANTAY ADEEGA BIYAHA IYO CADAALADDA DARADDA WAKAALADA BIYAHA.

HARGAYSA:Bakinews Qoraal uu saxaafada soo gaadhsiiyey Sudlaan Aadan X. Faarax Cumar oo ka mida salaadiinta reer Somaliland ayaa madaxweynaha iyo xukumadiisa ku canaantay biyo la’aanta shacabka bariga iyo koonfurta Hargeysa.

qoraalka uu soo saaray Suldaanka oo nuqul ka midi soo gaadhay Bakinews.tk ayaa dhignaa sidan:-


Mahad oo dhan ilaahayayay u sugnaatay. Sidaynu ogsoonahay ama ka warqabno baahiyaha aas-aasigaa ee u madi u baahan tahay waxa kamida in uu qofku helo biyo Nadiif ah oo ku filan. Waa xaq aas-aasiya oo ay tahay in xukuumadu iyo kolba cida talada umada u haysaain ay bulshadeeda ka haqab tirto intii karaankeeda ah.
Sidaas oo ay tahay, waxaan xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku bogaadinayaa dedaalada horumarineed ee ay wadaan ee dhinac walba ah. Balse waxaad moodaa in kakaalada Biyaha ee Magaalada Hargeisa ayna la
jaan qaadeyn qorshaha xukuumada, waxa kakaalada mugdi ka galay cidii ay u adeegaysay ee xilku kasaarnaa.
Siyaasada ay ku shaqaynaysaana maaha mid qancisay bulshoweynta ku dhaqan Caasimada ee aan biyaha helin.
Wakaaladu may muujin dedaalkii looga baahnaa ee ay tusi lahayd bulsho waynta aan helin biyaha in ay u maqantahay, balse taa badalkeeda waxay tustay dedaalo shaki galiyay bulshoweynta ku dhaqan caasimada ee aan biyaha helin, oo durbaba waxaa soo ifbaxay shakiyo ku waajahan in Biyihii loogu talo galay Bariga iyo Koonfurta Magaaladain ay waraabiyaan in la yidhi waxa lagu xoojinayaa kuwii hore.
Taas Micnaheeduwaxa weeye, cidii biyo heli jirtayna waa loo siyaadinayaa kuwii aan biyo helijirina xaaladoodaa ha ku sugnaadaan. Taasi maaha mid bulshadu  aqbali karo.
Hadaba maadaama ay Biyuhu yihiin aas-aaskii umadi ay u baahnayd, Umada ku dhaqan Caasimada ee aan biyaha helin kuma sii jiri karto xaaladan oo kale.
Dawladu waa in ay dedaalo muuqda oo dadkaas sida ugu dhakhsaha badan biyo loogu raadinayo ay soo bandhigtaa. Qolada Booyadaha lehna midbaan leeyahay, Tabashadiina siyaabo badan oo nabadi ku jirto ayaad u soo bandhigi kartaan, Ergo ayaad dirsan kartaan, Idinkaa gudiiska saari kara oo xukuumada la hadli kara amaba hab kale oo nabdoon ayaad mari kartaan, laakiin may ahayn in dadkiina adeegii aad u qaban jirteen aad mar kaliya ka joojisaan.
Rabshada iyo in dadkeenu si fudud u dhintaan diyaar uma nihin, tabashadiina hab xirfadaysan  umara, In shaa Allah markaa waa la idiin garaabi.
Ugu danbayntii anagu Salaadiinta hadaanu nahay talo ayaa la noogu yimaadaa ee fulin ma nihin. Waxaanu ugu baaqayaa Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) in ay muujiyaan dedaalkii biyo loogu heli lahaa bulsho waynta ku dhaqan caasimada, sidoo kale waxaan madaxweynaha kula talin lahaa in uu dib u eegis ku sameeyo qaabka ay u shaqayso Wakaalada biyaha ee Magaalada Hargeisa.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.