Skip to main content

Shirguddoonka Golaha Wakiiladda oo Heshiiyey xilli ay Maxkamadda sare hor taalo dacwadoodii

Hargeysa(Bakinews) fadhigii Golaha wakiiladda ee manta ayey mar kaliya ka soo muuqdeen Guddoomiayah golaha Wakiiladda iyo ku-xigeenkiisii Dacwada ka geeyey Maxkamadaha Dastuuriga ah iyo ta sare, waxaanay wada guddoomiyeen fadhigii Golaha ee manta oo ay kursiga laga hago isaga kaceen oo midkoodba mar hogaamiyey Golaha.

Arrintan oo dadka lama filaan ku noqotay ayaan la ogayn halka laga soo furdaamiyey maadaama C/raxmaan Cirro iyo Ku-xigeenkiisa Baashe ay dhex taalay xurguf siyaasadeed oo sababtay in ay isla tiigsan Maxkamad taasoo aan wali wax natiijo ah ka soo saarin khilaafkooda.
Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda C/raxmaan Maxamed C/laahi ayaa khilaafkooda hore ugu tilmaamay in uu yahay mid siyaasadeed oo kaga yimi dhinaca Madaxtooyadda, halka labada ku-xigeen ay u arkayeen arrin sharci oo dhinaca Garsoorka lagu kala bixi karo.
Ururka qareenada Somalilaand oo khilaafka shirguddoonka ka hadlay ayaa sheegay in uu ahaa mid siyaasadeed oo aan u Oolin waaxda Garsoorku in ay ka gar-naqdo, wallow Maxkamadda Sare iyo ta Dastuuriga ahiba aanay illaa hada wax go’aan ah ka soo saarin arrintan, xaalkuna u muuqdo horteed in banaanka lagu dhameeyey.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa isku dayey in uu dhex dhexaadin ka galo khilaafka shirgudoonka, sidoo kale Guddoomiyaha Guurtida ayaa dhinaciisa tijaabiyey, halka guddi Goluhu u saarayna ay dhankooda ka baacinayeen arrintan, hase yeeshee lama oga midkooda ku guulaystay in uu Odayaasha arrintooda dhameeyo.
Ilo wareedyo u dhuun daloola kulan xalay Hotelka Maan-soor ku dhex maray shirguddoonka ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale ka Odayeeyey isagoo adeegsanaya saaxiibtinimadoodii xiligii uu ka mid ahaa shirguddoonka Golahaas oo uu u dhaxeeyey Guddoomiye Cirro iyo Baashe oo xiligaa ahaa ku-xigeenka labaad halka uu Samaale ku-xigeenka kowaad ka ahaa.
Si kasta ha ahaatee lama oga Wasiir Samaale iyo inta isku hawshay furdaaminta arrintani halka ay dhigeen qoddobadii la isku haystay inkasta oo ay saaka soo bandhigin Heshiis indha-sarcaad ku noqday Dadweynihii ka xaadiray fadhigii Golaha Wakiiladda.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.