Skip to main content

Dadaal loogu jiro sidii loo joojin lahaa dagaalada ka socda koonfurta suudaan


Waxaa la sii xoojiyay dadaalka caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu joojiyo dagaalka Suudaanta Koonfureed, halkaasi oo la aaminsan yahay inay kumanaan qof ku dhinteen tobankii maalmood ee la soo dhaafay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa laba jibaaraya tirada ciidanka nabad ilaalinta eek a jooga dalka oo ah midka ugu da’da yar adduunka oo ka dhigaya 12,500 askari.

Dagaalka ayaa ka sii daray kala qeybsanaantii qabaailka Suudaanta Koonfureed.
Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka John Kerry ayaa ku booriyay laba dhinac Madaxweyne Salva Kiir iyo hoogaamiyaha mucaaradka Riek Machar inay joojiyaan colaadda oo ay bilaabaan wada hadal siyaasadeed oo lagu dhexdhexaadiyo.
Mr Kiir waxa uu ka tirsan yahay qabiilka Dinka, halka Mr Machar uu matelo qabiilka Nuer.
Dagaalka ayaa bilowday 15 December markaasi oo Mr Kiir uu ku eedeeyay Mr Machar, oo horey u ahaan jiray Madaxweyne ku xigeen ilaa intaan xilka laga qaadin bishii July, inuu afgembi isku dayay.
Mr Machar waa uu beeniyay inuu isku dayay inuu awoodda xoog ku qabsado.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.