Skip to main content

Prof:Axmed Ismaaciil Samatar Muxuu Ka Yidhi Ma-Hadhooyinkii Ka Soo Qabsaday Soomaaliya..??


(Bakinews:Hargaysa)  Professor Axmed Ismaaciil Samatar ayaa markale ka waramay ma-hadhooyinkii ka soo qabsaday wakhtigii uu magaaladda Muqdisho joogay, kaas oo ka xog-waramay arrimihii calool xumada uu kaga caagay Somalia ku dhaliyey, kaas oo ka xusay in wakhtigii uu u tartamayey Madaxwaynaha Somalia in madaxwaynihii hore ee Soomaaliya inuu ku tiraabay hadalo takooraya isaga iyo dhamaan bulshadda reer Somaliland oo dhan.



Prof. Samater waxa uu sheegay in Madaxwaynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed inuu yidhi maxaa wareeriyey Axmed Ismaaciil Samatar ee uu Boorama u maamuli waayey, kaas oo tilmaamay in hadalkaas ka aradan milgaha masuulnimo aanu xataa ka suurta-galin Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) hadii uu la shirayo beeshiisa oo aanu marnaba sidaas Sheekh Shariif oo kale u takoori-karin qof reer Somaliland ah.



Axmed Ismaaciil Samater oo ka mid ah aqoonyahanka reer Somaliland ee dunida aadka looga yaqaano isla markaana siyaasada Afrika iyo arrimaha caalamiga ah wax laga waydiiyo oo dhawaan uun isagu ka soo noqday mabda’isii hore ee Soomaaliwayn ayaa si qoto dheer uga sheekeeyey kala duwanaanshaha dhaqan-dhaqaale ee Somaliland iyo Somalia oo uu tibaaxay in reer Somaliland ay dhaxalsiisay horumarka ay ku talaabsadeen.



Waxaanu sidaas ku sheegay mar uu habeen hore kulan la yeeshay ardayda Jaamacadda Gollis ee magaaladda Hargeysa, kaas oo kulankaasi kaga hadlay arrimo door ah.



“Waa run oo walaalkay waan u qirayaa waanay jirtaa oo waxaan arkay dee meel laba beelood uun is eryanayaan, iyada oo ay ku qadeen beelaah Barriga Somaliland dega oo ka mid ah beelaha halkaasi isku hirdiyaya beel ahaan, haddana way ku dulman yihiin halkaasi”.



“Waxaa kale oo jirta inay dhab tahay kala duwanaanshaha uu walaalkay sheegay, waxa jirtay in waqtigii aan doorashada ka qayb gelaayey Somalia uu shir la yeeshay madaxweynihii Soomaaliya dad badan oo dawladda ka mid ahaa, ka dib markii shirkii dhamaadayna uu nin hadlay,waxaanu yidhi waar horta ninkan kambaynka culus inagu haya ee ina Samatar muxu Boorama uga talin waayey, taasi maaha xataa haddii uu madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo la shiro reerkiisa mid ka suurtowda, waayo lama odhan ka Somalia waar calankii ayaad hoos fadhidaa ee sidaa ha odhan lagamana qaban”.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.