Skip to main content

Wafdi uu Hogaaminayo Mr. Wei Hongtian oo booqasho shaqo ku jooga Magaalada Muqdisho

Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H.Adam ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Wafdi uu hogaaminayo Siihayaha Safaaradda China ee Soomaaliya Mr. Wei Hongtian oo gelinkii hore ee maanta soo gaaray Caasimadda Muqdisho.


Kulanka ayey wufuuda dowladaha Soomaaliya iyo China isku dhaafsadeen Xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee qotada dheer ee labada dal u dhaxeeya , qiimeynta iyo fulinta mashaariic dowladda China ay balan qaaday inay ka hirgelin doonto wadanka iyo dib u furidda Safaaradda China ee Muqdisho.

Kulankaasi kadib , Wafdiga China ee uu hogaaminayo Mr. Wei Hongtian, waxa ay booqasho ku tageen Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo amniga qaranka oo ay kula kulmeen Xoghayaha joogtada ee Wasaaradaasi Abukar Dahir Osman , oo Saxaafadda u sheegay Ujeedka socdaalka wafdiga ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda China uu la xiriiro qiimeynta mashaariic dib u dhis oo wadanka laga fulin doono.


Wafdiga dowladda China oo ka kooban 3 Xubnood ayaa waxa ay kaloo la kulmeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ,Boostada , isgaarsiinta iyo gaadiidka H.E. Abdishakur Ali Mire iyo Maareeyaha garoonka diyaaradaha Muqdisho , iyagoo ka wada hadlay suura-galnimada fulinta mashaariic wadaag ah , dib u dhiska Tiyaatarka Qaranka oo dowladda China ay horey u dhistay iyo qodobo kale.

Booqashooyinka Wafdigani ka socda dowladda China ay ku kala bixiyeen Wasaaradaha Arrimaha dibadda ,Arrimaha gudaha,Warfaafinta,Tiyaatarka iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa ku wehlinayay Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee China Ambassador Yusuf Hassan Ibrahim “ Yuusuf Dheeg” iyo Saraakiisha hab maamuuska qaranka.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.