Skip to main content

RW C/wali oo Xafiiska la wareegay


Muqdisho (Baki news)—RW C/weli Sheekh Axmed, RW Cusub ee DFS,ayaa Maanta oo Khamiis ah si rasmi ah ula wareegay Xafiiska kadib Xaflad ka dhacday Villa SomaliaXaflada waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh
Maxamuud, Wasiiro ka tirsanaa Xukuumadii hore iyo Xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan,waxaana halkaasi Xilka ku kala wareegay RW hore ee DFS Cabdi Faarax Shirdoon iyo kan Cusub C/weli Sheekh Axmed.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa Xafladda ka sheegay inuu la shaqeyn doono Xukuumadda Cusub ee dalka ee lasoo dhisi doono.
Sidoo kale, C/wali Sheekh oo halkaasi ka hadlay, ayaa dhankiisa sheegay inuu shaqada halkeedii kasii wadayo, Horumarada kala duwan ee dowladdii RW hore ee Saacid ay ku tilaabsatayna uu sii wadayo si loo gaaro 2016 Doorashooyin dalka ka dhaca iyo Dhamaystirka Dastuurka Qabyada ah.
Ugu dambeyntii, Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha DFS, ayaa isna Goobta ka sheegay in Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka C/wali ay Shaqooyin badan ay horyaalaan,loona baahanyahay in Shacabka ay la shaqeeyaan

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.