Skip to main content

Maareeyaha Dekedda Berbera iyo Wasiir ku-xigeenka Amniga oo Gartooda lagu galay Madaxtooyadda

Hargeysa(Nuux kadiye) Wasiir ku-xigeenka Amniga Somaliland C/laahi Abokor iyo Maareeyaha Dekedda Berbera oo khilaaf ka dhashay falkiibbbbbbbbblagu weeraray Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile u dhaxeeyey ayaa la sheegay in xalay markii ugu horaysay la isku soo hor fadhiisiiyey Qasriga Madaxtooyadda kadib markii Suuqa la soo galiyey khilaafkooda.

Lama oga waxa lagu dhameeyey khilaafka u dhaxeeyey labada masuul hase yeeshee waxa ay wararku sheegayaan in labadoodaba laga dhagaystay arrinta ay isku hayaan oo la sheegay in wasiir ku-xigeenku ka gudbiyey cabasho la xidhiidha in uu gacan ku siiyo Xildhibaan qabile canbaaraynta uu la taagan yahay in uu ka danbeeyey falkii lagu weeraray.
Eeda Wasiir ku-xigeenka ayaa la sheegay Cali Xoor xoor inuu iska fogeeyey, isagoo ku tilmaamay in wasiir ku-xigeenku kula gal-galanayo hawl aanu waxba ka ogayn, isagoo dhinaca kalena Qasriga u muujiyey in aanay waxba ka jirin eedaha loo soo jeedinayo ee la xidhiidha xidhiidhka isaga iyo Qabile ka dhaxeeya oo warbixinahoodu madaxtooyadda buux dhaafiyeen.
Cali Xoor Xoor ayaa la sheegayaa tan iyo intii falka Qabile lagu weeraray dhacay inay xayiraad ka saarnayd dhinaca Madaxtooyadda kadib markii wasiir ku-xigeenku ku eedeeyey inuu ka gaabiyey inuu ka difaaco xukuumadda Eedaha uu Qabile dusha ka saarayo xukuumadda. Waxanu kulanka xalay ahaa mid lagu soo af-jarayey amuurtaas.
Xukuumadda Somaliland illaa hadda wax talaabo ah oo ay ka qaaday weerarkii Xildhibaan qabile ma jirto, marka laga reebo Hal qof oo u xidhan mooyee, waxaana laga cabsi qabaa in loo dambabaso sidii Kiiskii Wargeyska Hubaal oo kale.
Cali Xoor xoor ayaa dhinaca kale, la sheegayaa in uu Madaxtooyadda uga Irdhoobay dood ku saabsanayd in Dekedda Berbera lagu wareejiyo Shirkadda Faransiiska ah ee Blore, taasoo la sheegay in madaxtooyaddu ku kala aragti duwan tahay illaa hadana aan xal laga gaadhin, iyadoo koox uu Cali xoor xoor ka mid yahay diideen Heshiiskaasi halka Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo koox uu hogaaminayaana ku adkaysanayaan in lagu wareejiyo.
Si kasta ha ahaatee arrimahani waxay ahaayeen kuwo culays kala duwan ku hayey Cali Xoor xoor iyo xukuumadda oo u muuqday kuwo suuqa isu galay balse waxa loo tirinayaa in kulanka xalay qaboojiyey qaybo ka mid ah.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.