Skip to main content

Ra'izul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya oo soo saaray Warsaxaafadeed uu labo Arimood kaga hadlay.


Muqdisho, 19, Dec, 2013..Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dhawaan la magacaabay Dr, Cabdiweli Sh. Axmed Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii axmqanimada ahaa ee lagu laayey dhaqaatiir isugu jirtay Soomaali iyo Suuriyaan, kuwaas oo ka howl gali jiray xarun caafimaad oo ku taal duleedka magaalada Muqdisho.

Dr, Cabdiweli ayaa ku tilmaamay dilkaas mid arxan daro ah oo ka baxsan bani’adantimada, laguna khal khal galinaya amniga.


“Waa fal laga argagaxo oo meelna raad kaga lahayn Islaanimada iyo Bani’aadantinimada, waana wax laga xumaado in weerar noocaas ah lagu qaado dhaqaatiir habeen iyo maalin u taagan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen shacab ay colaado daashadeen. Waxaa dareemayaa xanuunka uu leeyahay dilka noocaan ah oo lala beegsanayo dadka bulshada dhexdeeda magaca ku leh, waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoysaskii iyo qarabaadii ay ka baxeen dhaqaatiirtaas, waxaan sidoo kale la qaybsanaynaa murugada qoysaskooda, iyo asxaabtii ay is jeclaayeen, Eebana waxaan uga baryayaa inuu samir iyo imaan ka siiyo, iyagana Janadii Fardowsa ka waraabiyo” ayuu yiri Dr. Cabdiweli Sh. Axmed.


Dhanka kale Dr. Cabdiweli ayaa tacsi taa lamid ah u diraya qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay xildhibaan Xasan Muxumad Cali (Sokorliin) oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, wuxuun ilaahay uga baryayaa inuu Janadii ka waraabiyo, samir iyo imaana ka siiyo qoyskiisa, qaraabadiisa iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii kaga soo biiray golaha baarlamaanka dalka Jabouti sanadii 2009-ka, wuxuuna mudo ku xanuunsanaa magaalada muqdisho. 

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.