Skip to main content

Xukuumadda oo kooxda kubada cagta ee ODHA ka mamnuucday Garoonka dhalinta

Hargeysa(Nuux kadiye) wasaaradda waxbarashada Somaliland oo maamusha xarunta  Agoomaha Hargeysa (Ex-dhalinta Kacaanka) ayaa la sheegay in ay Amar ku bixisay in aanay garoonkaasi ku ciyaari Karin kooxda ODHA ee Faadumo Siciid.

kubadWasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan iyo Maamulaha Xaruntaas ayey dad goob joog ahi sheegeen in ay Ciidanka Asluubta ee xaruntaas ilaaliya fareen in kooxdaasi aanay garoonka mar danbe ku ciyaari Karin, iyagoo waliba u raaciyey in aanay Wareeg danbe oo ay Hay’adda ODHA Maamulayso aanay lagu qaban Karin.
Amarka Wasaaradda Waxbarashada ayaa ka dhashay kadib markii doraad lagu soo gabagabeeyey Garoonkaasi wareeg ay Hay’adda ODHA ee Faadumo Siciid u qabatay kooxaha ka jira Xaafadda Jig jiga yar kuwaas oo ay u qabatay xaflad ay ku guddoonsiisay Kooxdii ku guulaysatay Koobkii ay u dhigtay.
Talaabadan ayaa noqonaysa tii labaad ee ay Xukuumaddu kula kacdo Faadumo Siciid oo ah Xoghaya dhaqaalaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, iyadoo hore uga hor istaagtay Gabilay oo ay booqanaysay.
Dagaalka Faadumo Siciid iyo Wasiir Samsam ayaa la odhan karaa waxa uu salka ku hayaa loolan dhinaca Haweenka ah oo salka ku haya xiligii UDUB iyadoo dumarka Kulmiye iyo xukuumaddiisa hormoodka ka ahi Ololihii ku lidiga ahaa ay u adeegsan jireen Ururadii samafalka ahaa ee ay gacanta ku hayeen, halka maantana ay kala dagaalamayaan kuwa Mucaaradka ku ah oo iyana gacanta ku haya Hay’addo samafal

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.