Skip to main content

Boorama: Isuduwayaal la badalay iyo qaar cusub oo la magacaabay iyo hadal haynta dadweynaha magaalada boorama

Boorama, – (NK) – Boqolaal dhallinyaro ah ayaa shalay magaalada Boorama ku soo dhaweeyay isduwe cusub oo loo magacaabay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Gobolka Awdal,
iyadoo dhinaca kale dareenno xoog lihi ka soo kordhayaan isku shaandhayn laba isuduwe midna lagu eryey midna lagu Badalay mid kale, kuwaasoo kala ah isuduihii hore wasaaradda ciyaaraha oo loo badalay wasaaradda duulista iyo hawda, halka xilkii isuduwenimada wasaaradda duulista laga qaaday maamulihii hore ee wasaaraddaasi u joogay Awdal.


Sida uu ku  waramay   Maxamed Cumar Sheekh Ibraahim ,dhallinyaro wadata gaadiid kala duwan ayaa isuduwaha cusub ee wasaaradda isboortiga kaga hortegay meel toban km u jirta magaalada Boorama, waxayna u galbiyeen dhinca magaalada Boorama, iyadoo gabagebadii soo dhaweyn taasi ay isuduwaha cusub ee wasaaradda isboortigu dhallinyaradii soo dhaweysay uu Huteel Rays kula hadlay , ugana mahad celiyey soo dhaweynta ay ku soo dhaweeyeen xilka loo magacaabay.

Ninkan oo lagu magacaabo. Samarroon Cabdillaahi ayaa hore u ahaan jiray maamulha xulka gobolka Awdal ee dhinaca kubadda cagta, wuxuna dhawr jeer kooxahan kubadda cagta ee Boorama u qabanqaabiyey tartammo ay kooxo kale kula soo ciyaaraan dalka debeddiisa gaar ahaanna dalka Jabuuti.,

Dhinaca kale, dood ayaa weli ka taagan sifaha wasaaradda duulista iyo hawadu xilka uga qaadday isuduwihii wasaaraddaasi Maxamed Maroodi, xilkana ugu dhiibtay isuduwihii xilka laga qaaday ee wasaaradda isboortiga ee gobolka Awdal .

Arrinta ugu muhiimsan ee ku saabsan doodda isku shaandhaynta ayaa saldhig looga dhigay sida isuduwe wasaarada ka tirsanaa, loogu magacaabo isuduwe wasaarad kale isagoon habeen u shaqaynin arrintaas oo badi qaybaha dadweynaha uu ka soo jeedo isuduwihii hore ee duulistu ay eedeeda dusha ka saareen wasiirka duulista., kaasoo aqbalay olole beeleysan oo xilka isuduwenimada duulista loogu oleynayey isuduwaha cusub ee wasaaraddaasi, sida ay u arkaan taageerayaasha cadhaysan ee masuulka xilka laga qaaday., iyadoo ninkan la magacaabay ee xilka loo dhiibay uu yahay ciyaarahan hore oo mudo ka badan 17 sannadood ka soo dhexmuuqday ciyaaraha.

Arrintan ayaa durba kicisay xiisad siyaasadeed oo ka dhan dawladda iyo maamulka gobolka ,isla markaana beelaha uu ka soo jeedo isuduwaha xilka laga qaaday ee duulista ee gobolka Awdal dib usoo xusuusiyey eedo iyo godobo hore ay uga tirsanayeen xukuumadda Axmed Siilaanyo, kuna saabsanayd xilal beelo kale looga qaaday, waxa loogu beddeleyna aanay jirin, waxayna doodda caynkan ahi daba socotaa wiig kaddib markii iyana xilka laga qaaday maamulayaashii kastamada Kalabaydh iyo Laascaanood ,oo isku shaandhayntii wasiirka maaliyaddu sameeyeyay xilka ku waayeen labadaa maamule, laguna daro xilka qaadista Xoghayihii dawladda Hoose ee Boorama ,Isuduwihii macdanta iyo biyaha,Ku xigeenkii Waxbarashada Gobolka Awdal, kuwaasoo dhammaantood ka soo wada jeeda beelaha madaxweynihii hore ee Somaliland .



Sheekadan ayaa dhinaca kale qaybo ka mid ah qaybaha dadweynaha isku tustay in tallaabooyinka haatan xilalka lagaga qaadayaa ay u egyihiin kuwa lagu kala fogeynayo beelahaasi,Dawladda iyo maamulka gobolka Awdal oo ay isku degaan yihiin wasiirka duulista,balse laga yaabo inay ku kala aragti duwanyihiin arrimahan.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.