Skip to main content

Ma dhabaa in Doodii qaran Akadamiyadda Nabadu qabanayso?

Hargeysa Nuux kadiye---------Warar hoose oo aan wali soo shaac bixin ayaa sheegaya in kulamdii ugu danbeeyey ee ay sida is-daba jooga ah u yeeshee Guddoomiye Cirro oo ka wakiil ah labada Xisbi Mucaarad iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtidda oo meteleya Xukuumaddu isla meel dhigeen in gacan ka madax banaan labada dhinac loo dhiibo qabashada Dooda Qaran ee ay isku tuur tuurayaan mucaaradka iyo Xukuumaddu.
Ma cada illaa hada in meel rasmi ah la isugu luga duwday, labad dhinac midkoodna kamuu hadal, hase yeeshee wararka soo baxaya ayaa sheegaya maadaama kulamadii ugu danbeeyey ay gaadheen meel xaasaasi ah oo ay reero dabada galisay in lagu wareejiyo gacan kale oo dhex u ah dhinacyada taasoo u muuqata in ay fursadaas buuxin karto Akadamiyadda Nabada iyo Horumarka oo Somaliland hore ugala soo dabaalatay marxalado siyaasadeed oo caynkan oo kale ahaa.
Dhaqdhaqaaqa laga dareemayo kulamdii ugu danbeeyey ayey ilo wareedyo u dhuun daloolaa sheegayaan si xeego xeego u noqoto Il-kana u nabad galaan in Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Mucaaradkuba ku qanceen dooda in loo dhiibo Akadamiyadda isla markaana ay ka soow ada qayb galaan dhinacyada oo dhami.
Dhinaca kale, kulan aad u balaadhan oo ay soo abaabuleen Mucaaradku isla markaana ay isugu keeneen kooxo ka kala yimi Goboladda ayaa la sheegay in uu shalay ka dhacay Hotelka SummerTime, kaasoo loogu gogol xaadhayey dooda Qaran ee ay Xukuumaddu diidan tahay.
Kulankaasi lama oga wax aka soo baxay hase yeeshee waxay xukuumaddu shalay ka qaadatay dareen sas ah, waxaanay isha ku haysaa dhaqdhaqaaqa ay wadaan kooxaha Mucaaradka ah.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.